Wasiir Xirsi oo ka hadlay Abwaan sheegay inuu la xidhiidhay iyo mudaharaadkii Hargeysa

 




“Ninkaas Anigu Ma Aqaano, Garanna maayo, Lamana Hadlin wajigiisana Walle ayay Iga Tahay”


“Awood Gaar ah oo aan leeyahay Ma Jirto. Waxa fiicnaan lahayd inaad tidhaahdo dadka ugu shaqad da badan baad tahay”


“Madaxweynuhu waxa uu bixiyay lacagtii lagu qaadayay Dhaawacyada, kuwii dhintayna Magtoodii ayuu balan-qaaday, taasi ayaa kuu muujinaysa sida ay dhab uga tahay in la dhawro dadka”


Hargeysa (TNN)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ay aa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay nin hal abuur ah oo shee gay in Wasiirku Telefoon kula soo xidhiidhay ka dib markii uu sameeyay Hees lagu aflagaadeynayay Madaxweynaha.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu ka hadlay mudaharaadkii dhimashada iyo dhaawaca saba bay ee dhawaan ka dhacay Magaaladda Hargeysa.

Wasiirka oo daba socday hadalka Siciid Ilko Jiir uu ku baahiyay shabakadda Hadhwanaag, waxa uu yidhi “Ninkaasi la ii sheegay ee Hadhwanaag ku jira, ma aqaano, mana arag, waxna uma sheegin. Waligayana ma aanu xidhiidhin. Nin aan wajigiisa iyo Telefoonkiisa aqaanana ma aha. Markaa waxa uu sheegay waa war been ah oo aanay waxba ka jirin.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Heesahaba nin dhagaystaba ma ihi marka hore. Nin Heesaha kala jecelna ma ahi. Markaa lama aan hadal, garrana maayo, wajigiisana garan maayo. Telefoonkiisana garan maayo Walle ayay iga tahay.”
Wasiirka Madaxtooyadda oo la weydiiyay inuu yahay masuulka ugu awooda badan Golaha Wasiirra da, waxa uu ku jawaabay “Wasiir baan ahay Wasiirrada dalka hogaamiya ka mid ah, Madaxweyne ayaa dalka Hoggaamiya, Madaxweyne Ku Xigeen baa ku xiga sharci baa inoo yaalla sharciga ayaynu dawlad ku nahay. Nidaamkeenna dawladnimana waa Ixtiraam iyo kala dambayn sida uu ku dhisan yahay. Markaa nidaamku sida uu yahayna wax ka gedisani ma jirto.”

“Awood gaar ah oo aan Anigu leeyahayna ma jirto. Waxa fiicnaan lahayd oo Aniga ammaan ii noqon lahayd inaad tidhaahdo dadka ugu shaqadda badan baad tahay. Waan shaqeeyaa oo waxaan ahay nin u shaqeeya madaxweynaha, kana shaqeeya maslaxadda caamka ah iyo danta qaranka,”ayuu yi dhi Wasiirka Madaxtooyadda oo caawa u waramayay shabakadda Hadhwanaag.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyay sida uu u arko in Madaxweyne Siilaanyo uu dadkii ku dhint ay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay Hargeysa uu Tacsi u diray afar ma almood ka dib dhacdadaasi, waxa uu Wasiirku ku jawaabay “Inta aan ka war-hayo ayaan kaaga jaw aabayaay’e, dabcan Madaxweynuhu isagaa leh go’aankiisa iyo jawaabtiisa.Madaxweynaha waxa loo sheegay oo uu ogaa in mudaharaad dhacay oo dhibi dhacday. Dhibkiina aanu istaagin oo maalintii la baad iyo sadexaad mar walba la lahaa mudaharaad ayaa socda. Markaa waxa laga yaabaa in Madax weynuhu uu sugayay inta dhibtii taagnayd la xalinayay, waayo waxa laga yaabaa inuu Madaxweyn uhu arrintaasi sugayay wakhtigii ay munaasibka ku ahaydna wuu bixiyay Tacsidiisii. Waxaanan is lee yahay kalmadihii ku haboonaana wuu yidhi.

Wax hoos loo dhigo iyo wax kor loo dhigno midna umaan arkaynin hadalka Madaxweynaha hadal sha raf leh oo uu dadkii dhibtu gaadhay ugu tacsiyadeynayo ayaan u arkayay.”

“Waxa kuu muujinaysa Madaxweynuhu iyagoo mudaharaadayay, dabcan Mudaharaadku mid sharci ah muu ahayne’e.iyadoo dhacdadaasi dhacday ayuu madaxweynuhu dhaawiciina ka bixiyay lacagtii lagu qaadi lahaa, kuwii dhintayna madaxweynuhu balan qaaday inuu Magtoodii bixiyo.taasi ayaa kuu muujinaysa in tacsida iyo dhaymaha iyo dadka in la dhawraba ay run ka ahayd Madaxweynaha,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka jawaabayay Heesaha wadaniga ah iyo kuwa Jacaylka ahba kuwa uu jecel yahay waxa uu yidhi “Anigu imika xiligii jacaylkana waan weydaartay oo jacayl iguma jiro, ku wa wadaniga ahna ma haleelo. Marka horeba dadku waxay kala leeyihiin hiwaayad hiwaayade’e waxaan ahay dadka shaqadda ku mashquula ee ma ihi dadka heesaha iyo fanka aad ugu mashquula. Labadda Gabayada iyo hal abuurkooda ayaa laga yaabaa inaan xiisayn jiray. Laakiin dadka heesaha xiiseeya ma ihi.”
 


Cumar Maxamed Faarax