Wasiir Xirsi oo bandhigay waxqabadka Xukuumadda iyo kaalinteedii balaadhinta Dimuqraadiyadda

 



“5557 oo qof ayay Xukuumaddu shaqo gelisay, intii uu KULMIYE Hoggaanka qabtayN”


Hargeysa (TNN)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si adag u difaacay siyaasadda xukuumadda iyo waxqabadkii u hirgalay mudadii ay xilka haysay.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad maanta xisbiga talladda haya ee KULMIYE u sameeyay Urur siyaasadeedkii DALSAN oo la bahoodbay xisbul xaakimka.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu Bogaadiyay Urur siyaasadeedka DALSAN eek u soo biiray KULMIYE, waxaanu yidhi “Farxad bay ii tahay KULMIYE oo ahaa xisbigii suurtagaliyay ururadda siyaasadda in la furo oo ahaa xisbigii hogaaminayay dalka oo maantana ay ku biireen ururkii DALSAN oo isaguna urur qiimo badan ahaa, waxaana ii la gudboon in aan hambalyeeyo soona dhaweeyo Dalsan.”

“Xisbiga Kulmiye sharaxaad uma baahna waaa xisbi dimuqraadiyadda keenay waa xisbigii suurtogaliyay Somaliland markii 80 cod la yidhi waa la idin kaga helay boob uu tirsanaayo inay qaranimaddu sii jirto oo joogto oo aanay rabash galin go’aansaday,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa intaasi ku sii ladhay “Waa xisbigii inta badan u soo samray 8 sanadood, waa xisbigii suurta galiyay markii uu hogaanka qabtay mid horumar la taaban karo dalka gaadhsiiyay, runtii hadaanay xukuumadda iyo xisbigu aanay qayb ka ahayn dadaalkii la sameeyey may suurtogasheen, waxa xisbiga Kulmiye intuu talada hayay dalku gaadhay horumar la taaban karo oo aan ahayn kaftan, waxa kaaga filan meelaha aan ka tilmaamo meelaha kooban ee dadku tabayaan 5557 oo qof ayuu shaqo galiyay intii uu hogaanka qabtay.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa si adag u difaacay waxqabadka xukuumadda Axmed Siilaanyo hirgelisay, waxaanu yidhi “Waxa uu wax ka qabtay in qarankan uu difaaco iyo nabadgalyada sugisteeda 107 gaadhi oo kuwa gaashaaman iyo kuwa xamuulka qaada ayaa ciidanka loo iibiyay,. Waxa la sameeyey dhawr dufcadood oo bilayska, milatariga iyo ciidanka bada oo la xoojiyay. Waxa la bixiyay darajadii ciidamadda oo uu madaxweynuhu Hirgeliyay, darajada oo ahayd 22 kii sanadood ee aynu qaranka ahayn. markii u horaysay ee ciidankeena haybadii dawladnimo lagu arko garbahooda, waxaanay ahad guul qarankani gaadhay, xisbigan ayaana sabab u ahaa waxa xusid mudan ardayda laga dhaafay lacagtii oo gurigii miskiin ku joogay iyo kii maalqabeenku joogay isku si iskuulada ugu tartamayaan.”

Cumar Maxamed Faarax