Wasiir Warancade Aafo ayuu ku noqday Siyaasada...
 

 


Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Warancade oo kala garan waayay xilkii uu ummada u hayay,caadays-tayna aflagaadada uu la daba guclaynayo madaxda Xisbiga mucaaridka ee ucid ayaan media-yaha u marinayaa inuu aafo ku yahay siyaasada Jamhuuriyada Somaliland, wax yaabaha uu ku kacay intuu xilka hayay aan ka soo qaato:

1.Waxa uu aqoonsanyahay degaamada bariga ee Taleex,Badhan iyo Buhoodle inaanay ka tirs anayn dalka uu xilka ka hayo ee Jamhuuriyada Somaliland.

2.Sidoo kale gobolada galbeedka ayuu u haystaa inaanay hoos iman xilka uu hayo.

3.Guud ahaan Warancade waxa uu kala furfuray midnimada shacabka Jamhuuriyada Somalilan d.

4.Waxa uu caadaystay aflagaadada xisbiga ucid.

Waxa kale oo Warancade ku caanbaxay burburintii xisbigii UDUB.Waa ninkii gel-gelin madhan f adhiyay ee lagaga hayaamay.Ka dibna ku soo gur guurtay xisbiga mucaaridkaa ee Wadani, k una dhawaaqay inuu u taaganyahay musharaxnimada madaxweynaha.Hadana hanyaraantiisa habeen madaw u dusay madaxtooyada ee musharaxnimadii loogu bedelay wasiirnimo.Waxa a an leeyahay Warancade xaalkiisu waxa uu la mid yahay ninkii yidhi (Hooyaday ninkii guursada aba waa adeerkay).

Warancade cayda iyo aflagaadada uu la daba joogo madaxda xisbiga ucid ee uu la soo taagan yahay ucid waxay xidhiidh la leedahay Somaliya kana qaataan lacag,mar maaha oo laba maa ha inta uu arrinkaa media-ha la soo fadhiistay.Hadaba miyaanu ahayn ninkii ugu danbeeyay basaasiintii NSS-tii Afweyne ee Xamar ku hadha kuwii u dhashay oo ka haayiray!
Waxaynu ogayn falalkii foosha xumaa ee uu ku kacay dagaaladii sokeeye,maantana la soo ta agan madaxweynaha haloo kordhiyo muddada.

Waxa aan leeyahay Warancade hargeysa waad soo gaadhay waqtiggii shaabuuga laysu adee gsan jiray markaa adeer raggii caynkaa yeeli jiray dalka kama dhamaan ee halkaa haw dhaa fin xisbiga ucid ee aad maalin walba caydooda ku hadaaqayso.

Waxa aanu kula talinaynaa inuu dhawro anshaxa dawladnimo,waxa aanu faraynaa inuu dast uurka iyo shuruucda dalka dhawro oo uu ka hadho afxumada uu madaxda xisbiga ucid ee qaran kula kaco.

Waxa hubaal ah hadii uu warancade joojin waayo gar-darrada qaawan ee aflagaadada ah inaanu shaxda la dhigi doono.

Waxa aan ku soo afjarayaa wasiir Warancade waxa uu siyaasada Jamhuuriyada Somaliland ku noqday Aafo siyaasadeed.

 



Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL