Wasiir Samaale Oo Ka Hadlay Sababaha Ay Dib Ugu Dhacday Mushahar Kordhintii Shaqaalaha Ee Ku Jirtay Balanqaad-yadii Kulmiye

 


Wasiirku waxa u sheegay in mushahar kordhintu ay ahayd qorshe siyaasaddeed oo ay xukuumad du dejisay...........


Hargeysa (TNN) - Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay qorshihii ay xukuumaddu ugu tallogashay mushahar kordhintii shaqaalaha iyo sababaha intii uu xilka hayay ay suurogeli wayday.

Wasiirku waxa u sheegay in mushahar kordhintu ay ahayd qorshe siyaasaddeed oo ay xukuumad du dejisay, isla markaana sannadkan 2012-ka qorshaha miisaaniyada ay xukuumaddu ugu talo ga shay ay ahayd in lagu fuliyo mashaariic horumarineed, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlayey Telefishanka qaranka Somaliland

Wasiirka oo ka hadlaya xaga ay ku dambaysay mushahar kordhintii ay xukuumaddu qorshaysay oo ka qaybgalayaashii waxa uu yidhi. “Xaga kordhinta mushaharka waxa la kordhiyay 100%, ha ddii loogu talogalo in mashaariicda la daayo mushaharka markale la kordhiyana waxay noqon do ontaa siyaasad ay xukuumaddu qaadato.”


Waxaanu intaas ku daray. “Miisaaniyada sannadka 2012-ka ee anigu aan la wareegay bishii saddexaad, boqol iyo lix milyan ayaa loogu talogalay inay noqoto, lacagtaasi way astaysnayd meelaha ay wasaaradda maaliyadu ugu talogashay inay ka soo saarto, 70% waxay ugu talogashay kastamada, 20% cashuuraha bariga iyo wasaaraddaha oo la isku daray, 10% waxa loogu talogalay lacag ay wasaaraddu ay u astaysay inay noqoto dayn ama deeq ayay ahayd, miisaaniyadaas 100% waanu soo saarnay, iyadoo aanaan dayn qaadan, deeqna aanaan helin"

Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "waxaananu kordhinay wax-soosaarkii dak hliga kastamada iyo cashuuraha bariga ka imanayay, ku talogalka sannadka waxaanu doonaynaa inaanu mashaariic horumarineed samayno, siyaasadda xukuumadda ayaa xadeeya sida loo maam ulayo miisaaniyada, tusaale ahaan sannadka 2012-ka miisaaniyadiisa sidii loo maamulayay way qorshaysnayd oo guddi uu Madaxweynuhu hore ugu saaray oo xubno wasiiro ah ka koobnaa, ay aa dejiyay sidii loo maamuli lahaa, sidii ayaanay wasaaraddu ku wadaa, ku-talogalka 2013-kana haddii ahmiyaddu noqoto in mushaharka la kordhiyo iyo in mashaariic la sameeyaba siyaasadda xukuumadda ayay ku xidhan tahay, markaa siyaasadda xukuumadda ee imikuna waxa weeye in derajada ciidamada ee la bixinayo ciidamada lagu siiyo mushahar iyo inay jirto mashaariic horum arineed oo miisaaniyada ka muuqata.”

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland