Mudane wasiir Samaale Maxaa ka jira....?

 



Waxaan dhagaystay hadaladii Samaale wasiirka Maaliyada ee JSL,ee uu kaga hadlaaye arimo dhowr ah, arinta shaqadiisa maaliyada ku saabsan waxba ka odhanmaayo,waayo wuxuu inoo sheegay in uu Diinta Islaamka sida ay tahay ugu dhaqmo, Allah ayaa subxaanahuu waa tacaala kala xisaabtami doona sida uu u maamulaye amaanadii loo dhibtay.

Waxaa keliya oo aan wax yar ka odhanaya daadifaynta uu iska daadifeeye Ururka Al Islaax.
Anigu cuqdad kama qabo jiritaanka urur diimeed u dhaqma si Allah raali ka yahay ,laakin waq tigan xaadirka ah aan ka hor iman madax banaanida iyo jiritaanka JSL.

Taas oo aynu kala mid noqonaynu Ururada kala ee caalamka Islaamka ka jira ee mid walba wad ankiisa ka taliyo ama ku abtirsado,inta laga gaadhayo waqtiga haboon ee dawald keliya oo caal amka Islaamka oo dhan oo talisa hadii eebe qadaro.


Hadaba ururka Al Islaax ee Somalida oo qayb ka aha Ikhwaanul Muslmiinka Caalamika ah , wax aa ogaalkay ka madax ahaa Nin Sheekhaash ah,Somalida ku jirtaana ninkaas ayey uga damba ysa wixii arimo Diin iyo Aduunba ah. Ururkaas wuxuu aad u aaminsanyahay waxa loogu yeedho Midnimada Soomaalida,mana aqoonsana jiritaanka Somaliland.


Waxaa jira nin la yidhaa Maxamad Yusuf, oo degen dalkaa Kuwait ,kana tirsan Ururka Al Islaax kana soo jeeda Beesha Sheekhaal. waxaa uu ninkaasi martiqaad u soo diray laba qof oo reer Somaliland ah mid waa Samaale intii aan loo magaacabin xilka Wasiirka midna waa Sheekh Isma ciil...Ninkaas waxay ii sheegeen reer Kuwait in uu af iyo adinba u isticmaalo burburinta Somalila nd.

Hadaba waxaan
Wasiir Samaale waydiin lahaa ma noo sheegi karta cilaaqdka idinka dhaxeeya adiga iyo Sheekhaa?


Madaxda kale ee Somaliland na , ee lagu sheego in ay xubin ka yihiin ururkaa,  waxaa looga baa hanyahay in ay is cadeeyaan.

 



Mohamed Ali

weerar.2013@yahoo.com