Wasiir Sacad Xaaji Cali Shire oo koox Askar ahi ka celiy een Albaabka Madaxtooyada ka dib markii ay xalay ku kala kaceen Wasiir Xirsi iyo Xulafadiisa


 

 

Hargaysa (TNN):- Waa markii Labaad ee Muddo todabaad ah la kala dooransiiyo Wasiirad da Xukuumadda in ay raacaan Labada Xulufo Garabka Wasiir Xirsi oo Madaxweyne Siilaan yo u matalayo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, iyo Garabka Muuse Biixi Cab di oo dhawaan loo Doortay inuu hogaamiyo Xisbul Xaakimka Kulmiye

Labadan Garab ayaa jiq isku noqday ka dib markii uu shaaciyey Muuse Biixi Cabdi inuu yah ay Musharaxa jagada Madaxweynaha ee doorashada fooda inagu soo haysa hadaba iyad oo todobaad ka hor la hor dhigay Wasiirkii Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalimaga ee Maxam ed Cabdillaahi Cumar inuu labada Garab mid raaco kaasi oo ku gacan saydhay si toos hoo se iyo si sareba u taageeray Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyenimadiisa ugu danbaynitiina kalif tay inuu ku waayo xilkii Wasiirnimo

Warar lagu kalsoonyahay baa hadaba xuuraamay shalay Galab ay lahaayeen Kulan Qarso on Xulufada Kooxdqa Wasiir Xirsi iyadoo Xirsi uu diray Baaq uu yidhi waa inay muddo laba maalmood ah ku soo xaroodaan madaxda Dalka dibadiisa ugu maqan iyo Badhisaabyada fadhiya Fadhiisimadooda Goboladda

Sacad Xaaji Cali shire ayaa dhawaanahanba khilaaf ka dhex taagnaa madaxtooyadda iyo wadashaqayntiisa taasi oo markii danbe loo arkay in Sacad aanu ka daacad ahayn wada shaqaynta Maamulka Axmed Silanyo khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayay Xukuum adda Axmed siilaanyo Xal mooday inla Sarifo Wasaarada Qorshaynta, Waxaana dhawaan Dikreeto Madaxweyne lagu magacaabay Masuul ay hoos tagto waaxdii ugu balaadhnayn waaxaha wasaaaradaa , waaxdaa oo loo magacaabay Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed oo hore loogu bartay nin aan ahayn nin miisaaman oo lagu tiroyo kooxaha xag jirka ku ah guulwadaynta in uu noqdo lataliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaaha caalamig ah iyo kuwa Maxaliga ah, Cabdifataah ayaa si toos ah ula wareegay a hawlihii hay’adaha a oo dhan gacanta loo galiyay, Magacaabista Cabdifataax oo uu Baashe Cawil ku qasbay Madaxweyne Silanyo inuu Magacaabo ka dib Markii Wargayska Haatuf uu jawaab ka bixi yey Warar uu qoray Wargaysku oo Khusaysay Hanti Boobka uu ku hayo Hantidada Qaran ka Wiilka Madaxweynuhu u soddoga yahay si kastaba ha ahaatee,ammaan Baashe iyo we erar uu Cabdifataah weeraray Wargayska Haatuf ayuu ku Calfaday waaxdii ugu waynay d Wasaarada Qorshaynta Qaranka

Hadaba Wasiir Sacad ayaa ku gar naqsaday oo yidhi hawshani waa taydii ee siday ku dha cday in Wasaaradayda la sarifo, arintanna waxay dhalisay khilaaf xoog badan oo u dhexe eya Wasiriirada Xukuumadda Axmed Silanyo ugu Cadcad sidoo kale Xubnaha Haysta Ruqs ada Awooda Qarsoon iyo Wasiir Sacad Xaaji Cali Shire

Hadaba iyadoon dhawaanahan lagu arag Sacad Xaaji Cali Shire Agagaarka Madaxtooyad da waxaa yimid khilaafkii iyo Hirdankii Kulmiye taasi oo sababtay in Xulufo uruursigii Was iir Xirsi ay ka wadi waydy inuu xalay la galo Shir wasiiradda Xukuumadda inta uu ka shaki sanyahay isaga oo ka bilaabay Sacad Xaaji Cali Shire muddo dheer markii la is mari waay ay garnaqsiga aayaha Kulmiye Sacad waxa uu yidhi anigu Wasiir baan ahay hawl kulmiye na la iima dirsan Dagaalka aad jeedo Wasiir Xirsi meesha ma yaalo Waa Talo iyo Siyaasad waxa la isku hayaa Muuse Biixina Xaq buu u leeyahay inuu is Sharaxo cida aan taageray ana marka ay timaado loolanka musharaxnimo waa mid aniga muwaadin ahaan aan xaq u leeyahay inaan siin karo cidii ila talo qurxoonaato

Hadaba iyadoo sidaa lagu kala dhaqaayiyay ayaa saaka looga yeedhay Madaxtooyadda Sacad Cali Shire taasi oo aanu garanayn sabab loogu yeedhay Markuu iska xaadiryey Madaxtooyadana Askartii Gaydhku ka celisay Sacad inuu galo Madaxtooyadda

Arintan oo ujeedo Kaliya lahayd in la tuso Dalka inuu Xirsi Maamulo iyo bahdil ah in hadii aad nala safan weydo aanu kaa yeeli doono sidii la doonayo.Mar ay la xidhiidheen qolo Su xufiyiinii waa uu iidiiday Sacad inuu arintaasi wax ka taa taabto.




Xigasho: Hillac Media