Wasiir ku xigeenka Wasaarada Difaacu Waa danbiile Dahsoon

 


Intaanan iftiimin danbiyada dhabarka uu ku sito wasiir ku xigeenka wasaarada difaaca M udane Abdi-dheere Daahis aynu isla eegno waajibaadka uu dastuurku saaray qofka daljir aha ah(Muwaadinka):

QODOBKA 34AAD
WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA
GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.
2.Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Horta wasiir ku xigeenka waxa ku waajib ah inuu ilaaliyo arrimaha 2daa qodob xanbaarsan-yahiin,weliba si gaar ah ayay isaga u khuseeyaan mar haduu qaranka u hayo mansab ka mid ah hogaaminta iyo maamulka ciidamada qaranka ee loogu talo galay difaa ca dalka.

Balse waa ka xaaraan ah inuu dhex muquurto xaalad abuur siyaasadeed iyo kala fogayn daljirayaasha Jamhuuriyada Somaliland.Marka uu cayda iyo aflagaadada joogtada ah kula dul kufaayo xisbiga mucaaridka ah ee ucid iyo gudoomiye Faysal way cadahay sharciyan inuu kala fogayn ku dhex tuuray bulshada Jamhuuriyada Somaliland.Ku darsoo tiraba sad dex jeer ayuu media-ha ka aflagaadooday oo aan cidina uga jawaabin ayadoo la eegayo adkaynta midnimada shacabka JSL.

Waxase la yidhi (Bahal qaydhin ma daayo nina caadadii ma baajo).Wasiir ku xigeenka wax a aan xasuusinayaa taariikhdu markay ahayd May 5 1995 dilkii loo gaystay mujaahidkii marxuum Axmed Cali ee loo dilay marxuum Maxamed Cumar yaa ka danbeeyay! Sababtu se maxay ahayd.Jawaabta waxa aan u dhaafayaa wasiir ku xigeenka.

Raacso oo wasiir ku xigeenku waa ninkii isagoo xildhibaan golaha wakiilada ah tababar lo ogu diray Europe ee xilkii uu ummada u hayay ka doortay inuu qaxooti ku ahaado xerya ha qaxootiga ee dalka ingriiska.Yeelkadiisii taasina waa denbi qaran oo sugaya maalinta ay timaado xukuumad cadaalad wax ku hogaamisa oo aad uga fog xukuumadan Axmed-siiraanyo ee danbiilayaashii qaran intay urursatay xilalka ku taxday.Ma yara danbiilayaas ha qaran ee maanta xil siyaasiya ka haya xukuumada dalka ka talisa,waana mid ay shaca bku ku hayaan soo yaal-kooda taariikheed.


Markaa waxa aan wasiir ku xigeenka wasaarada difaaca leeyahay waxa aad dhex daba ala-naysaa waa kuu caado balse ogow in shacabku isha kugu hayo inaad tahay danbiile dahsoon.
 

 


Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL