Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Oo Taageeray Ku Dhaqan ka Xeerka Sirdoonka Ee Lidka Ku Ah Xoriyatul Qawlka

 


Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka difaacay eedihii uu.................


Hargeysa (TNN) - Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka difaacay eedihii uu Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose u jeediyey xeerka sirdoonka qaranka oo qodobo ku jiraa ay lid ku yihiin xoriyatul qowlka.

Cabdilaahi Cukuse oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inuu aad uga xun-yahay in Madaxweyne Siilaanyo la bar-bar dhigo kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Baahidda aynu qabno Booliska, Baahidda aynu u qabno CID-da iyo Baahida aynu u qabno Ciidanka qaranka ayaynu u qabnaa Ha’yadda Sirdoonka Qarankanna. Dal dhan oo aan xog-ba urursanaynin. Dal dhan oo aan xogba ka haynin nabad-gelyadiisa iyo heerka ay joogto. Dal dhan oo aan xogba ka haynin cida u maleegaysa nabad-gelyo darro. Dal aan xogba ka haynin cadowgiisa dibadda ee ku soo socda. Dal dhan oo la leeyahay xogba ha ka hayninna kuwa nabad-gelyo darrada maleegaya gudo iyo dibadba macquul ma aha in si dadban iyo si toos ahba loogu cel-celiyo oo la yidhaahdo Ha’yad baa sidan ah iyo sidan ah. Waxase ugu badan oo carabka lagu dhejinayay Qodobo ay qaar leeyihiin xeerkan Sirdoonka warbaahinta ayaa lagu cabudhinayaa. Gaboose ayaaba yidhi waxay samaysanaysa Ha’yadii sirdoonka ee Siyaad Barre oo kale"

Mr Cukuse oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Aad baan uga xumahay in Siyaad Barre lagu masaalo Madaxweynaha Somaliland oo waliba qofka ku masaalayaana uu yahay Maxamed Cabdi Gaboose oo isaga haddii shantii sanadood ee ugu dambeeyay wixii uu ka sheegay Madaxweynaha Somaliland oo kaliya aynu ururino oo dib u dhagaysano u malayn maayo inay noqonayaan wax is qabta. Waayo marna wixii Gaboose ka sheegayaa madaxweynaha sifooyinka dhabta ah ee uu leeyahay ee wanaagsan, marna wuxuu ku tilmaamayaa Maxamed Siyaad Barre. Waana wax aan is qabanin. Intaba isaga (Gaboose) ayaynu ka maqalay. Marna wuu dooranayaa marna wuu ka istaaq-furuleysanayaa,”

Cabdilaahi Cukuse oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Dr. Gaboose waxaan kula talin lahaa ixtiraamkiisa ayuu leeyahay marka uu dhakhtar yahay hadalada wixii run ah uun baa wanaagsan inaad ku kaambayn gasho oo raga aad is haysaan ee siyaasadda ku tartamaysaan aad iskaga dhiciso. Waayo xukuumadda maanta iyada isma hawaysanaysaan oo u malayn maayo inaad hawaysanaysid la tartankeeda. Waxaan u malaynayaa raga aad is haysaan inaad run kula kaambayn gasho,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland. Wasiir Ku xigeenku waxa kale oo uu u soo jeediyay in mucaaridnimadda Gaboose qurux badnaanayso marka uu macluumaadka uu kula hadlayaa run iyo xaqiiq ku saleeyo"

 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland