Wasiir ku xigeenka Maaliyadda oo shaqadii ka eryay Masuul ay Oo ri yo Walaalo yihiin Daahir Rayaale,wuxuu u Dalbaday Ciidan Booliis ah oo ka saaray Xafiiskiisii

 

Hargeysa (TNN) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Warsame Siciid Cabdi ayaa sha lay Booliiska wasaaradda Maaliyada u dalbaday inay banaanka dhigaan Dr. Cumar Ibraahim X Xuseen oo Guddoomiye ka ah xafiis kala taliya wasaaradda Maaliyada Nidaamka dhaqaale ee Dalka, xafiiskaas oo ay Maal-galiso Hay’adda UNDP.

Sarkaalkan oo ah Aqoonyahan ku xeel dheer Cilmiga Maaliyadda waxa uu wasiirku-xigeenku u qoray  si da la sheegay Qoraal uu shaqada kaga eryayo isla markaana waxa uu kula kacay laba dhacdo oo ka  ba xsan hab-dhaqanka Masuuliyadeed ee uu hayo kuwaasoo midkood uu shalay kula kacay isagoo  wasaar adda soo galaya oo inta uu ku dalbaday Booliiska ilaaliya wasaaradda banaanka u saaray.

Sidoo kalena waxa uu toddobaadkan banaanka uga soo saaray fadhi ay lahaayeen Guddi loo saaray  Ar rimaha Maaliyadda Dalka oo uu Dr. Cumar Ibraahim X Xuseen ,ka yahay xubin ka yahay isagoo waliba si da ay Ilo xogogaal u ah dhacdooyinkani Waaheen u sheegeen uu ku yidhi hadalo Af-lagaado ah oo ay k a mid yihiin UDUB buu ahaa iyo waa Daahir Rayaale oo ina dhex fadhiista.

Eriga wasiir ku-xigeenka Maaliyaddu Eryay khabiirkaasi ayaa la sheegay inuu u gudbiyay Hay’adda UND P ,oo iyadu bixisa Mushaharka iyo Kharashaadka kale ee xafiiska uu ka shaqaynayay, waxaanay warar ka aanu helnay sheegeen in ay Hay’addu ka hor timi Eriga ninkaas, iyadoo sheegtay in Heshiiska ay la galeen Dr. Cumar uu yahay ilaa bisha July ee sanadka 2011 ka sidaas darteed aanay aqbali karin.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda ayaa jagada uu ka eryay ninkaasi la sheegay inuu geeyay nin ay Ilmaadeer yihiin oo isna la shaqayn jiray ninka uu eryay kaasoo sida ay wararku sheegayaan  ah aa xsibiga UDUB, kaasoo booska lagu wareejinayo ku qaadan doona Mushahar dhan $2500, oo  Mushah arkii ay UNDP siin jirtay Dr. Cumar Ibraahim.

Dr. Cumar Ibraahim X Xuseen ayaan ilaa hada wali ka hadal talaabada uu Wasiirku-xigeenku xilka kaga qaaday hase yeeshee waxa ay u muuqataa in loo aanaynayo Qaraabada ay yihiin Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ay labadooda Xaas walaalo yihiin.

Xafiiska uu ka shaqaynayay Dr. Cumar Ibraahim ayaa ka mid ahaa laba Xafiis oo ay Hay’adda UNDP ku taageeraysay labada Wasaaraddood ee Qorshaynta iyo Maaliyadda oo la doonayay in tayadooda kor loo qaado si shaqaalaha ka shaqaynayaa ay u noqdaan kuwo ka dhisan dhinaca Aqoonta isla markaana loogu Aamini karo Mashaariicda Mucaawanadda ah ee bixiyaan Qaadhaan-bixiyayaashu, waxaanay  Ha y’adaasi ka qaaday Imtixaan dadka ka hawlgala.

Taageerayaal Kulmiye ah oo dhacdooyinkan si weyn ula socday ayaa ku wax laga xumaado in  Masuulka as shaqadiisii lagaga eryo waxay Qaraabo ahaayeen Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale oo waliba si x un loola Dhaqmo, iyadoo Ninka lagu bedelayna ay isku xisbi uun ahaayeen.



Source:Waaheen