Wasiir ku Xigeenka Arimaha Dibadda oo Xilkii la Wareegay iyo
Dardaarankii Wasiirka Dr.Maxamed C/laahi Cumar.

Waxaan jecelahay in aan halkan ka xuso waxa jira guddi Qaran oo
dhawaan la sameeyey oo ka shaqeyn doonta ka hor taga budhcad
baddeeda....
Hargeisa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed C/laahi
Cumar ayaa maanta xil kii Wasiir ku xigeen ku wareejiyey Wasiir ku
xigeenka Cusub ee Wasaaraddaasi loo soo magac aabay dhawaan Mawliid
Maxamed Ibraahim
Xil wareejintan uu Wasiirku xilkii Wasiir ku xigeen ku wareejinayey
oo maalintii shalay ka dhac day xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada
iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa waxa sidoo kale Wasiirku xilkii
Guddoomiyaha xidhiidhka Jaaliyadaha ku wareejiyey Maxamuud C/raxmaan
oo isna xilkaasi loo soo magacaabay.
Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya Xil wareejinta hore ee uu xilka
kula wareegayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadu ayaa waxa uu
yidhi “Waxa maanta farxad weyn ii ah in uu halkan maanta inala
fadhiyo Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
Iskaas higa Caalamiga ah Mawliid Maxamed Ibraahim oo ay maanta
halkan isugu Nimid soo dhawe yn tiisa iyo xil wareejintiisa oo aynu
ku wareejino xilka iyo masuuliyada uu Madaxweynaha Jamhu uriyada
Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) u soo magacaabay.
Aniga oo ku hadlaya afka Masuuliyiinta, Shaqaalaha iyo
Dublamaasiyiinta Wasaaraddan waxa an jecalahay in aan gacmo furan
kugu soo dhaweeyo, waxaananu ILAAHEY kaaga bareyeynaa in uu Xilkaa
kuu fududeeyo.
Mawliid waxa weeyaan muwaadin xirfad badan u leh hawlaha caynkan oo
kale ah muddo bada na ka soo shaqeynayey qaybaha kala duwan ee
Qaranka , shaqadiisii uu dambeysayna ay aha yd Hay’ada qaranka u
qaabilsan ka hor taga cudurka HIV AIDS-ka oo uu ka muujiyey karti
iyo in uu xilkiisa ka soo baxo”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo
sharaxaad ka bixinayey w axyaabaha ay Wasaaraddiisu u qabato Qaranka
ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradan oo ah Was aaradda Qaranka u qaabilsan
siyaasada arrimaha dibada oo ka mid ah ahmiyadaha ugu waaw eyn ee uu
Qarankani leeyahay oo uu doonayo in uu noqdo xubin buuxda oo beesha
caalamka ah iyo weliba sidii caalamka loola sameyn lahaa iskaashi
iyo wada shaqeyn, haddii ay tahay xaga dhaqaalaha, xaga nabadgelyada
iyo xaga Siyaasadaba.
Mudadii uu qarankani jirayna horumar balaadhan ayaa arrimahaasi laga
sameeyey, imikana waxa socda dedaalo badan oo la doonayo in lagaga
midha dhaliyo dedaaladaa uu qaranku leeyahay ee ah in uu noqdo qaran
madax banaan oo ay madax banaanidiisuna taageere iyo aqoonsibada
beesha caalamka ka hesho, waxa wasaaradda ka hawl gala Masuuliyiin
kala gedisan oo hawlo kala duwan leh, tusaale ahaan dalku waxa uu
leeyahay wakiilo iyo safaarada iyo xafiisyo uu ku leeyahay dalalka
dibada oo runtii shaqo aad u wanaagsan dalka u qabta ,
masuuliyadooduna waxa weeyi in ay ka dhaadhiciyaan wadamadaa joogaan
Qadiyada Somalila nd iyo in ay gacan ka geystaan sidii Wadamadaasi
iyo Somaliland xidhiidh u yeelan lahaayeen, waxa kale oo Wasaaradu
leedahay la taliyayaan arrimahaasi talooyin ka siiya Wasaaradda oo
had iyo jeer Shaqaalaha iyo hawlaha kaleba talooyin naga siiya
Aqoonta ay u leeyahay hawla haasi, waxa kale oo jira xafiiska
xidhiidhinta dadka Qurbo jooga ah oo ah xafiis qiimo leh oo aa nu
hawlihiisa aanu ku jirnay, waxaanay xafiiskaasi shaqadiisu tahay in
uu xidhiidhsiiyo baahida ay qurbo joogu u qabaan arrimaha Dalka,
haddii ay noqon lahayd sidii ay uga qayb geli lahaa yeen arrimaha
dhaqaale ee dalka ka socda, haddii ay maalgeshi tahay iyo haddii ay
arrimo ka leba tahay, haddi ay noqon lahayd ka qayb galka dalka ee
arrimaha Siyaasada, Nabadgelyada iyo Dhaqankaba, waxa kale oo aanu
jecel nahay in xafiiskaasi arrimo badan oo dadkaasi u baahan yihiin
in uu ka shaqeeyo iyo wax tarka ay dalka u leeyihiin oo aanu
rajaynayno in ay ka midho dhaliyaan ujeedada xafiiskaasi loo
sameeyey, waxa kale oo arintaasi bar bar socda in Wasaaraddu wada
shaqayn la leedahay Hay’addaha kale ee qaranka, khaasatan kuwa
khuseeya xaga daakhiliga, Dumuqraadiyada iyo xaga nabadgelyada,
waayo intaasiba waa inta ay Wasaaraddani kala shaqeyso dalalka kale
ee dibada”
Wasiirka oo ka hadlayey arrimaha
budhcad badeeda ayaa waxa uu yidhi “ Waxaan jecelahay in aan halkan
ka xuso waxa jira guddi Qaran oo dhawaan la sameeyey oo ka shaqeyn
doonta ka hor taga budhcad baddeeda, sidaynu ka war qabno budhcad
badeedu khatar weyn bay ku haysaa gobolka Geeska Afrika iyo meelo
badan oo Dunida ka mid ah, mushkiladeeduna waxa ay noqotay mushkilad
caalami ah, markaa budhcad badeeda arrimaheedu maaha arrimo khaas u
ah dal qudha ee mushkilado caalamka oo dhan saameysay, markaa
Wasaaradda Arrimaha dibadu door hogaamineed ayey ku leedahay
arrimahaa ka hor taga budhcad badeeda, in kasta oo Wasaarado
fuliyaan hawlaha ka hor taga budhcad badeeda oo Wasaaradda
Kaluumeysigu ka mid tahay, Wasaaradda Cadaaladuna ka mid tahay ,
Ciidanka Badduna ay ka mid yihiin, markaa Wasaaraddu door ayey ku
leedahay”.
Wasiir ku xigeenka Cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Arrimaha
dibada iyo iskaashiga Caalamiga Mawliid Maxamed Ibraahim oo isna
halkaa ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Marka hore
waxaan salaamayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga
ah Maxamed C/laahi Cumar, waxa kale oo aan salaamayaa Madaxda halka
iskugu timid
Aadbaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladan aan kula
wareego xilka Wasiir ku xigeenka , waxaan is leeyahay oo aan
aaminsanahay in Xilkaa sidiisa aan uga soo bixi doona, waxaanan
ILAAHEY ka baryayaa in ii fududeeyo xilkaa la ii magacaabay, waxa
ugu muhiimsan ee qofku shaqadiisa ku gudan karaa waxa weeyaan in
qofku shaqadiisa daacad u noqdo, haddi intaa laga helo qofka
shaqadiisa ayuu si daacad ah u gudanayaa, markaa aniga oo ku
faraxsan arintaasi waxaan Madaxweynaha leeyahay waad ku mahadsan
tahay xilkaa aad ii igmatay, waxaanan ku rajo weynahay in xilkaa
sidiisa u fuliyo, waxaanan rajaynayaa in aan noqdo qof doorkiisa ka
soo baxa oo aan noqon qof kolba meel isku qaada, markaa waxaan
ILAAHEY ka baryayaa in xilkaasi ii fududeeyo igana dhigo ka sida ugu
fudud uga soo baxa”.
Dhinaca Kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa xilkii ku wareejiyey
Guddoomiyaha Hay’adda Xidh iidhka Qurbo jooga loo soo magacaabay
Maxamuud C/raxmaan.
Ugu horeyn Wasiirka oo ka hadlaya xilka uu ku wareejinayo
Guddoomiyaha ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu halkan ku
sameynaynaa xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda xidhiidhka
qurbo jooga Maxamuud C/raxmaan oo dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay
in uu noqdo guddoomiyaha, waxaanan ka bogaadinayaa kana
hambalyeynayaa Maxamuud Xilka loo magacaabay, waana nin muddo badan
aanu is naqaanay oo Qurbo joog ahaan jiray, isla markaana si fir
fircoon u qabtay hawlaha dibada, imikana marka uu Dalka joogay qaybo
badan oo uu Qaranka u leeyahay hawlo kala gedisan kaga jiray, waxa
sharaf ii ah in aan halkan ku soo dhaweeyo Maxamuud oo noqon doona
Guddoomiyaha cusub ee xidhiidhka Jaaliyada, xafii skaasi sida aynu
ka war qabno waa xafiis doorweyn ka qaadanaya hawlaha qurbo jooga
iyo ka qayb galka ay ka qayb galayaan haddii ay tahay xaga
dhaqaalaha, xaga Siyaasada iyo xag kasta oo dalka lagu horumarinayo,
markaa door weyn ayey tahay in horumarkooda la kobciyo, waxaanan aad
ugu kalsoonahay in Maxamuud iyo qaar badan oo halkan joogaaba waxaan
ku han weynahay in ay si wanagsan halkan uga soo bixi doonaan”.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaaliyada Somaliland Maxamuud C/raxmaan oo
isna halkaasi ka had lay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Kolay
maanta halkan hadal badan ka odhan maayo, l aakiin waxaan mahadnaq u
soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadaba
xafiiskana waxa uu noqon doonaa xafiis ay wada shaqeeyaan Wasaaradda
Arrimaha dibada, waayo labada xafiisba waa laba xafiis oo u adeega
Arrimaha dibada”.
Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland
|