Wasiir Ingiriis Ah Oo Somaliland Ku Tilmaamay Inay Astaan Dhi f Ah Utahay Dimuqraadiyada Iyo Degenaashaha Gobolka Geeska Afrika

 


Hargeysa (TNN) :- Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Mr. Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay inay astaan dhif ah u tahay dimuqra adiyadda iyo xasiloonida gobalka Geeska Afrika, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November.

Baarlamaanka Ingiriiska oo tan iyo markii ay doorashada Somaliland u qabsoontay si nabadgleyo waxa lagaga hadlayay doorashada Somaliland, iyadoo markii u horaysay su’aal laga weydiiyay ra ysalwasaaraha dalkaas Ingiriiska Theresa May.

Haddaba, toddobaadkan Xildhibaan Liz McInnes, oo la hadlaysay wasiirul dawlaha Ingiriiska ee A frika, waxay soo xigatay hadal ay raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May ka tidhi arrimaha doo rashada Somaliland, iyadoo si guud isugu qaaday dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya, waxaa nay xildhibaanadu ka codsatay wasiirka


in xafiiskiisa arrimaha dibaddu uu ka hawlgalo caawinta iyo taageerista Somaliland, waxaanu wasi irku ku jawaabay “Somaliland waxay astaan dhif ah u tahay dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gob alka, waanan hambalaynaynaa qabashada doorashadaas ugu dambayn dhacday.”

Wasiirku, waxa kale oo uu murashixiinta doorashada ka qayb gashay ee saddexda ahaa ku bogaa diyay mawqif ay ka qaateen gudniinka fircooniga ah, waxaanu yidhi “Waxaanu sidoo kale bogaadinaynaa talaabooyinka qayral cadiga ah ee ay qaadeen murashixiintii doorashada ee ahaa balan qaadka inay joojinayaan gudniinka fircoongia ah islamarkaana ay sharciyaynayna doonaan si arrintaas loo gaadho.”

Doorashadaas Somaliland ayaa u muuqata inay soo jiidatay dareenka Baarlamaanka Ingiriiska. Xil dhibaan Stephen Doughty iyo xildhibaan Zac Goldsmtih ayaa hore golaha ugaga hadlay arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo ay ku tilmaameen mid mucjiso ku ah qaaradda Afrika.
 

 

Source: Geeska