Wasiir Faratoon oo sheegay in aan gorgortan & shaki la galin karin jiritaanka Somaliland, baaqna u diray Beesha Caalamka

 

“Wadamada Geeska Ee Aanu Jaarka Nahay Iyo Beesha Calaamkaba Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Mar Walba Tix geliyaan Masiirka Umaddayada Iyo Dawladnimada Dalkayaga….”

Hargeysa (TNN) :– Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in qadiyadda Somaliland gorgortan iyo shaki la galin karin, waxaanu Wa ddamada Geeska Afrika iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay inay ixtiraaman madax-banaanida iyo jiri taanka Somaliland, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay meel kasta oo ay joo gaan inay midnimadooda Iyo qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan kana feejignadaan wax ka sta oo wiiqaya masiirka dawladnimadooda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo u warramay W argeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Somaliland waa dal jira, waa dal madax-banaan, waa dal leh nidaam dawladinimo, waa dal leh Calan uu ku qoran yahay magaca ugu qiimaha badan akhiro iyo adduunkaba oo ah tawxiidka ALLE lagamana yaabo inuu Calankani dhaco, Somaliland waa dal leh Madaxweyne la doortay oo Shacabkiisu si xor ah u doorteen, Somaliland waa dal dimuqraadiya oo ka gudbay nidaamkii qabaliga ahaa una gudbay nidaamka Axsaabta badan, Somaliland waa dal xasiloon oo hay’adahiisa dawladinimo u dhamaystiran yihiin sida Hay’adaha Fulinta, Garsoorka Iyo Sharci-deji nta Iyo sidoo kale Goleyaasha Deegaanka, Somaliland waa dal leh Ciidamo kala duwan kuwaas oo mar walba qarankooda difaacaya, hadh iyo habeena heegan u ah, “.

Mar uu ka hadlayey qaranimada Somaliland ayaa yidhi “Insha allaah aqoonsiga aanu xaqa u leenahay waanu heli doonaa dedaalkii aanu Ku helayno waanu ku jirnaa, laakiin cid kasta waxaanu leenahay w axaa habboon in la ixtiraamo qaranimadayada Iyo jiritankayaga dawladinimo, cid kastana waxaanu r abnaa in aanu qancino, kuna qancino jiritankayaga dalnimo, dadnimo Iyo dawladinimo ee Wadamada Geeska ee aanu jaarka nahay iyo Beesha Calaamkaba waxaanu ugu baaqaynaa inay mar walba tix ge liyaan masiirka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iska m uu iman oo waxaa 97% ugu coddeeyey Umaddayada, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto, jiritaanka Somaliland gorgortan iyo shaki lama gali karo, cid galin kartaana ma jirto”.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogana ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo wada jir, kana feejignadaan wax kasta oo khatar ku ah masiirk ooda, waxaanu sidoo kale shacabka ku dhiirigeliyey inay qaatan kaadhka diiwaangelinta, si ay u hela an kaadhka ay ku codanayaan Doorashooyinka soo socda.

 



Xigasho: Geeska