Wasiir Duur Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasime Soo Bandhigay Qorshe Lagu Xakamaynayo Musuqmaasuqa Lagu Lunsado Lacagaha Mashaariicda QM Ugu Deeqdo S/Land


 

 


Hargeysa (TNN) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii waaxda Qorsheynta ee Wasaaraddaasi Mr. Faarax Siciid oo ah aqoonyahan ku takhu sasay qorshaynta (Planning specialist). Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhowd how wasaaradda arrimaha gudaha.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa ka dambeysay kaddib markii uu Agaasime Faarax Siciid soo ban dhigay qorshe lagu xakamaynayo musuqmaasuqa lagu sameeyo mashaariicda Hay’adaha Qaram ada Midoobay ugu deeqaan Somaliland ee la soo mariyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Agaasimaha Qorsheynta wasaaradda Arrimaha Gudaha Faarax Siciid oo laba bilood ka hor loo ma gaacabay xilkaasi ayaa la sheegay in uu soo bandhigay qorshe nidaamsan oo lagu joojinayo mus uqmaasuq la sheegay in uu ragaadiyay mashaariicda Hay’aduhu soo mariyaan wasaaradda Arri maha Gudaha.

Sida ay sheegeen ilahaasi xogogaalka ah, qorshaha uu soo bandhigay Agaasimaha Qorsheynta Mr. Faarax, oo ka kooban barnaamij isku xidhan oo lagu xakamaynayo musuqmaasuq baahay oo la sheegay inuu ka jiro Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaybteeda mashaariicda ayaa sabab u no qday inuu waayo xilkiisii kaddib markii wasiir Duur ka cadhooday codsi uu agaasimuhu kaga dal baday in wasiirku ogolaado in baadhis lagu sameeyo dokumentiyo hore oo ku baxay saxeexa wa siirka, kuwaas oo lagu lunsaday lacago badan oo loogu talo galay in mashaariic horumarineed lagaga fuliyo qaar ka mid ah degmooyinka dalka.

Sida ay sheegeen tibaaxa aanu ka helay ilahaasi, mashaariicda Hay’adaha Qaramada Midoobay soo mariyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu qiyaasaa in sanadkii celcelis ahaan ay no qdaan dhowr boqol oo kun oo dollarka Maraykanka ah oo loogu talo galay in wax lagaga qabto baahiyaha haysta bulshada Somaliland ee dhinacyada wadooyinka, biyaha, xoojinta nabad gely ada, tayaynta ciidamada Booliska, IWM. Deeqahaasi ayaa la sheegay in sanadkan aan lagu fulin hawlihii loogu talo galay balse lacagtii loogu talo galay uu sifo sharci daro ah ku lunsaday Wasii rka Arrimaha Gudaha Mr. Duur.

Waxay ahayd dhowr bilood ka hor markii qaar ka mid ah saxaafadda madaxa banana lagu soo bandhigay musuqmaasuq baahsan oo Wasiir Duur ku lunsaday lacago badan oo loo qoondeeyey horumarinta degmooyinka dalka.

Ugu dambeyntii sida ay xaqiijiyeen ilaha aanu ka helay warkan, waxa la filayaa in mashaariicdii QM ee la soo marin jiray Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kala ah JPLG, Peace Building iyo Police Reform in la hakin doono amase qaarkood la joojin doono ama meelo kale loo wareejin doono mar kii xisaab celin sax ah laga waayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kaddib markii sida la shee gay Wasiirka Arrimaha Guduhu si sharciga baalmarsan u lunsaday lacagahaasi intoodi badneyd sidaa na xisaabtii ku xidhmi weyday.

Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa lab adii sano ee u dambeeyey dedaal badan ugu jirtay siddii ictiraaf caalami ah ay u keeni lahayd, ha se ahaatee arrimaha musuq maasuqa ee lagula kaco mashaariicda QM ka wado dalka ayaa sumc ad xun u soo hoyn kara Somaliland, isla markaana dhabar jab ku noqonaya dadaalkii Madaxwey naha.

 

Source:Haaruf