Wasiir Cawiloow Allaah (SWT) ayaa og Xisbigay ku jirto Danta Somaliland,Shacabkaana goŽaanka leh

 

Horta Allaah (SWT) ayaa og halka ama xisbiga ay ku jirto danta Somaliland,waana arrin ka baxsan awoodda ogaanshaha aadamiga. Markaa haddii qof uu sheegto inuu ogyahay waxyaabaha Eebe innaga qarshay ee ku eg xuduudka aanu aadamigu awood u lahayn waxa caddaan ah inay bulshadu u arkayso inuu yahay mid aan lagu kalsoonaan karin,xilkana aan daacad ka noqon karin.

Haddaba waxa ayaan darro ah shacabka Somaliland ee sannado badan u dulqaatay maamulka xisbiga UDUB ee hogaanka dalka ku bariiqday inay weli dhegahooda ku dhacaan weedhaha halista,xaqdarada iyo kalsooni darrada xambaarsan ee ay madal walba kaga dhawaaqayaan madaxda xisbiga UDUB. Hadaan tusaale dhow soo qaato weedhaha ka soo baxay wasiirka maaliyada Mudane Cawil mar uu la hadlaayay taageerayaasha xisbiga UDUB ee xaafadda Axmed Dhagax waxa ka mid ahaa " badbaadada Somaliland UDUB bay ku jirtaa xaqiiqda weeyaan, Wasiirnimo u hadli mayo, waxaan u hadlayaa shaqsi ahaan badbaadada umadeenu waxay ku jirtaa xisbiga UDUB guushiisa". wargeeska geeska afrika,11.2.09.

Waxa kale oo aan tusaale u soo qaadanayaa erayada ka soo baxay M/ku-xigeenka Mudane Ahmed Yusuf "dabcan Somali kala maarmi mayso, oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysaa ma jirto oo sidaa Yurub baa la noqon doona, laakiin qolo waliba inay dib isu soo dhisto, oo ay dib u noqoto oo hadhow nin Hargeysa laga celin maayo nina xamar laga celin maayo"

Markaan eego afka Somaliya waxa jira eray hal macne leh iyo eray dhawr macne leh oo ay caddeeyaan weedhaha la adeegsado. Hadaba erayadaa uu adeegsaday M/ku-xigeenku Mudane Ahmed Yusuf waxay salka ku hayaan macne qudha,casrigan aynu joognana hadalka madaxda ka soo yeedha waa la duubaa,waxaana haboon madaxda hadal qaldani ka dhaco inay qaladkooda qaataan,garawshiyana ka bixiyo hadii uu daacad ka ahaa.

Waxan hadaba madaxda xisbiga UDUB xasuusin lahaa maahmaahda Somalilanderka ee ah "Sidaad isu taqaan maaha ee waa sida laguu yaqaan". Hana ka tegina shacabka Somaliland inuu ku baahsanyahay 3da xisbi qaran iyo cod badan oo xor ah. Ta kale waxa muhiim ah siyaasigu inuu aqoon u leeyahay dhaqanka iyo xadka dulqaadka ee ummada uu
talada u hayo. Soo jireenka dhaqanka siyaasadeed ee shacabka Somaliland waxuu muujinayaa inaanay muddo dheer u dul qaadan maamul si kasta oo ay ku salaysantahay siyaasada dalka uu ku hogaamiyaa, waqtigana wuu ka xagjiraa oo shacabku waxuu u oomanyahay aqoonsi iyo daryeel danyarta,horumar dhaqaale oo kaabaya danyarta,waxbarashada,caafimaadka,biyaha, iyo wax soo saarka. Waana marag ma doon inuu xisbiga UDUB ku guul daraystay arrimahaa inuu kor u qaado.

Inahaa hadaan ku dhaafo talaabooyinka murugsan ee xisbiga UDUB ayaamahan ka soo yeedhaya waxan ugu baaqayaa xisbiyada qaranka dhamaan inay ummada u soo bandhigaan barmaamujka ay ugu talo galeen inay aayaha dalka ku hogaamin doonaan,inkastoo oo aan qabo xisbiga UCID inuu inbadan ku celceliyay arrimaha ugu muhiimsan ee barmaamujkiisa waxqabad ee uu rabo inuu ku hanto hogaaminta dalka.

Gunaanad, wasiirka maaliyadda Mudane Cawiloow Allaah (SWT) ayaa og xisbiga ay ku jirto danta Somaliland, shacabkaana goŽaanka leh, waanay malayn karaan godka lagu qaniinayo iyo godka ay ku raysanayaan.
 

 

 


Hussein Badmah