WAR-SAXAAFADEED

 




Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay maalin cad xaraashtay qadiyadii madax banaanida Somaliland.Waxaanay ku guuldaraysatay wadahadaladii humaagga ahaa ee ay la gashay Somalia, umadda Somaliland waxa u cad in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siil aanyo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadahadaladii ay la gashay Somalia isla mar kaasna ay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo soomaaliyeed raadinayso.

Waxa taas cadayn u ah in wadahadaladii ay ku guuldaraysatay isla markaasna ay iska nab ayso inay ka jawaabto marar badan oo Somalia ku celcelisay inay ka baxday wadahadaladii iyo qodobadii lagu heshiiyey.Markii wadahadalada lagu jiray waxa go?aamada gaadhayey xubno madaxtooyada Axmed Siilaanyo diratay oo u xaglinaya isla markaasna aaminsan ma bda'a Somalia.

Waxaa la ogyahay in guddigii wadahadalada laga dareeriyey fadhiga wadahadalada oo ay ku hadhi jireen xubno si gaar ah isu ogaa oo wada xidhiidhi jiray oo u xaglinaya dhinaca So malia.Dhinaca kale waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xis biga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyad a qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay.

Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabiiyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabiin ayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii da lka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo, iyada oo amaankii dalku faraha kasii baxayo oo hadhka cad la toogto xildhibaanadii shacabku soo doorteen.Nin xilkiisi gabay yaanu ku galgalanin xisbiyada mucaaridka ah.




 

Md. Axmed Muumin Seed

Ku-Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI