Wasaraadda Arimaha Gudaha Somaliland Oo Amartay In Xuriya ddoodda
Dib Loogu Soo Celiyo Xildhibaanaddii Golaha deegaanka Gabiley ee la
xidhxidhay Maalintii shalay

Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay Maalinimaddii shalay ka
dib markii ay soo abaabulay Mu daharaad ka dhan ah Maayarka
Magaaladda Gabiley
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ,ayaa shaaca ka
qaaday in uu amaray in saldhi ga dhaxe ee Magaaladda Gabiley laga
soo daayo 11 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka
Gabiley, kuwaasi oo rabshad ka abuuray Magaaladda Gabiley, isla
markaana lagu xidhay magaaladaasi.
Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay Maalinimaddii shalay ka
dib markii ay soo abaabulay Mu daharaad ka dhan ah Maayarka
Magaaladda Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, Mudanayaashan ayaa lagu soo
eedeeyay in ku kaceen falal fool xun, iyagga oo burburiyey
muraayaadaha xafiisyada dawlada ho ose ee Gabiley iyo hoolka
shirarka oo dhawaan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland xadhiga ka
jaray.
Mudanayaashan oo la sheegay inay ka cadhoodeen fadhiyadii caadiga
ahaa ee ay yeelan jireen oo w asaaradda arimaha guduhu ka
hor-joogsatay, waxayna Mudaharaadkan oo ahaa mid rabshato oo ay
gacan ku siiyeen xildhibaanada dad wax ma garato ah ayaa dhibaato
ugu geystay qaar ka mid ah sha qaalaha dawlada Hoose ee Gabiley iyo
askar ka tirsan booliska Magaaladda Gabiley.
Wasiir Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu sheegay in Mudanayaasha la
xidhxidhay ay wakhtigan dib loogu soo celiyay xuriyadoodiii.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|