Wasaaradda Khaarajiga Ha loo Raro Malka-Dur-Duro!

 



Codkeenii ma waxa uu noqday mid
Qaranka loogu raro Baydhabo?



"Hashu Maankeyga Gadee Ma Maansaar Bay Liqday" waxa isku kay qaban la Isbedelkii aan loo kala had hin , Guushii ay ku dhamaatay, Rajadii Shacabku qabeen ee Aqoonsiga Beesha Caalamka iyo Madaxtooy adda waxa kasoo baxaya ee lama filaanka ku noqday Ummada. waxaase in la isweydiiyo ay tahay umma da Somaliland mayna ahayn kuwii codkooda ku bedelay Maamul dhan oo dhisan? Maxayse u doorteen is bedel? Su'aalahan waxaan filayaa in ayna Jawaab u baahnayn, Codkeenii ma waxa uu noqday mid Qara nka loogu raro Baydhabo? Ma waxaynu daawanaa Halgankii kumanaanka kun ee Muwaadin ay u god g aleen oo nin aan waxba ka ogayni ku jees-jeesayo? Ma Dhiigii dhalinteena ayaynu ku doorsanaa Shakh si jacayl iyo Qabiil oo weynu daawanaa kana aamusnaa halka ay wax marayaan? Ma Moorgan , Samater iyo Maslax oo mar labaad ummada xasuuqa ayaynu ku sugnaa?


Maanta fariintaydani waa Baaq aan shacabka u jeedinaayo haddal badan oo la isyidhaana ma hadhin, m arka hore waxa isweydiintu tahay Arimahan socda ee Somaliweyn jacaylka ah ma Madaxweynahaa u d arban mise Inankan reer Baydhabo ee Wasiirka Arimaha Dibeda ayaa u Xiisay halkii uu ku dhashay ee uu kusoo korey , waxana uu khalad ku yimi markii loo magacaabay Aqoonsi raadinta Shakhsi Dalka iyo Halgankii Ummadu ay soo gashay aan xog-ogaal u ahayn . Qaladkan dhacay waxa uu kamid yahay qala daadkii Madaxweyne Silaanyo ku kacay isaga oo aan aqoon u lahayn qofka uu Xil u magacaabayo , wax ay lamid tahay Budhcad Badeedii(Agaasimihii Waxbarashada) uu magacaabay ee uu mar dambe ogaad ay xilkana uu ka qaaday, halkii uu kayimid ee Maraykana ku noqday halkaana loogu xidhay Budhcad-ba deednimo .


Haddaba , waxaynu Ogayn Shirkii London ee uu Wasiirka Arimaha Dibedu ku karaamo tirey Qaranimmad a ee Shacabku ka dhiidhiyeen, Soo laabashadiisiina Tiknikada Culus lagu soo kaxeeyey, taasi mayna iftii minayn inuu dalka dambi culus ka galay? Nasiib-daro Golayaashii awooda u lahaa inay talaabo ka qaada an ee shacabku soo doorteen (Baarlamaanka) ayaa shaqadoodii gabay oo dambi kale ka mutaystay Qa ranka iyo Masiirka Ummada, waxayna mudnaanta siiyeen Xisbi jacayl iyo wax lamid ah,. Waxaa sii muuq ata oo kale haddalkii uu Saxaafada Caalamka u sheegay ee ahaa in Somaliya laga wada hadli karo sidii aan uga mid noqon lahayn Federaalka sida Emaaraadka oo kale waana tan Su'aashii la weydiiyey iyo Ja waabtii uu ka bixiyey; "Do you have Strategic plans of unifying with Somalia in the Future? The main work of our government is to bring the peace to Somalia because without peace we can do nothing. Then we can negotiate about the other issues whether to be an independent state or becoming a fed eration like the United Arab Emirates. Waxaa halkaa inooga cad inuuna Wasiirku ku shaqaynayn Rabita anka Ummadda iyo Madaxbanaanida Qaranimada balse uu meelkale u socdo ! Waxaynu Wasiirka ka hay naa si qaldan ayaa loo turjumay hadalkayga bal Umad yahay hadalkaa dib u jaleeca oo waxa idiinka soo baxana guntiga hagashanina e muwaadinimadiina muujiya.


Waxaa kale ee aynu la soconaa shirkan UN tu wado ee ka qabsoomay Nairobi(Kenya) ee ku aadan Som alia ajandihiisuna yahay xalinta muranka Shariif-yada iyo Xili-dhamaadka Xukuumada TFG da oo laba bil ood ka hadhsan tahay iyo guud ahaan arimaha Somaliya wixii laga yeeli lahaa ee ay ka qayb galayaan Dawlada TFG da , Puntland iyo Galmudug ee aynu inaguna(Somaliland) mar labaad ka dhex muuqanay maamul goboleedyada Somaliya. Bal u fiirsada qaabka shirka loo qorsheeyey UN tu waxay sheegtay in Dawlada TFG da oo magaca guud ee Somaliya huwan inay si gaara ula kulmayaan sidoo kalena Maamul Goboleedyada Puntland , Galmudug iyo inaga (Somaliland) oo ay maamul goboleed inoo aqoonsan yihii nin inay la kulmi doonaan, macno badan samayn mayso haddii gooni-gooni loola kulmo Maamul Gobolee dyada iyo haddii wadajir loola kulmo, balse muhiimadu waxay tahay ujeedada shirka iyo inaga oo la inoo aqoonsaday inaynu nahay mid kamid ah maamul goboleedyada Somaliya. Haddaba, haddii uu kaa yahay Ajendihii UN tu waday Madaxweyne Siilaanyana markii uu Ajandaha sidaa u ogaaday uu hore u diiday maxaa haddana keenay in habeen kaliya Masiirkii Umadda god loogu rido, oo laga qayb galo? Ma wasiirk aa ku dhiiri galiyey Madaxweynaha oo rayigiisii bedelay? In meesha khayaamo ku jirto bal labadii hadal ee Wasiirka afkiisa kasoo baxday dib u jaleeca; " Casuumad rasmiya ayay noosoo dirtay UN tu" iyo " Waxaanu u qornay Codsi wayna naga aqbaleen" waar ummada maxaa bedelay ee ay uga damqan laa dahay dagaalka ku socda ee lagula dagaalamayo jiritaankooda! Oo haddii aynu la kulanka UN ta u baah ano miyeynaa Newyork(USA) ugu tagi Karin?


Gabagabadii , Maadaama oo Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha dibedu ay ku kaceen fal-dambiyeedyad da badan ee sare ku xusan , ayna yihiin Qurbajoog dalka ka maqnaa mudo dheer isla markaana wixii dal ka ka dhacay( Xasuuqii shacabka loo gaystay) ayna gabi ahaanba ka warqabin , isla markaana tacabkii qarankan 20 sanno lasoo galiyey ayna goob joog u ahayn, waxay keentay in ay la fududaato Jiritaanka Qaranimadu oo ay ku dhiiraddaan Muxibada Midnimada Somaliweyn iyo Xiisaha ka qayb-galka Shirarka Somalia , haddaba , si ay ugu Cimro-qaataan, waxaa tallo iga ah Wasaarada Arimaha Dibeda halaga ra ro ( halaga bedelo) halka ay maanta ku taal oo Dhisme halooga Bineeyo Malko Dur-duro( Goobta Xaba alihii Xasuuqa Shacabka) si marka ay sii shaqo tagayaan ama ay ka soo baxaayaan indhaha ugu dhufta an Masiibada Shacabka loo gaystay ee ay Midnimadii Somaliweyn keentay.

 

 

 

 

 

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Political Analyst
ixsaan2002@hotmail.com