WASAARADDA GOLAYAASHA EE AGAASIME WAAXEED KA DALACAY WASAARAD MA NOQONAYSAA

 


Waxaan dhegeystay xilwareejintii Agaasimihii Xidhiidhka Golayaasha oo xilka ku waredejinaay ey waiirka cusub Aadan Axmed Warsame, waxuu caddeeyey inuu ka dalacay booskan oo uu u dalacay Wasiir xigeen. Waxaan filaayey meesha nin wasiirfigeen leeyahay waan ka dalacay inaanu ku farxin Wasiir.


Laakiin waxa ley sheegay in ninka Adan la yidhaahdo agaasime waxeedku ku culusyahay, oo aanu weligii gaadhin horjooge xafiis. Waa waxa lala yaabo in nin aan maamul xafiis horjoogo ka gaadhin in lagu magacaabo Wasiir. Xaasha Aadan dambi ma leha oo waa damac aadmi, laakin waxan la yaabay Madaxweynaha odhanaaya kol,kaan arkay aqoontiisa, kolkaan argay kartidiisa iyi…iyo.. ayaan hevel u magacay booskan..Madaxweynow waxna maad arag waxan maad maqal ee cidd kalaa goobtan kaga saraysa.
Maad aqoon Adan madan arag waligii, ee cidda kuu qarisay qoonso, ummadana ka daa hadardaamada iyo xumaanta.


Adana waxan odhan lahaa waxay reer Boorame yidhaahdeen ee ah adna aqoonteed ma lihid, reer Booramena waa ku ceeb adan ayaa wasiir idiin ah, ee dalka iyo reerkaba magacooda dhowr, busaaradi kuma heyso ee noqon ninkii ugu horeeyey ee yidhaa waar meeshan ma qaadi karo, ee tolkay waa wada aqoon yahan ee cid kala bax.


Siilanyo waxuu yahy mar kasta oo uu nin mansab u dhiibaayaba nin aad uga fog waxa uu saxeexaayo, iyadoo la hubo inaan aqoon qofkaas u lahayn isla markaasna aanu xataa hor fadhiisan amba aanu akhriyey CVgiisa ayu inagu yidhaahdaa markaan iyo markaan.Meeshan waa ayaan darro in reer weyn oo sida Maxadcase ah loo magacaabo adan. Shaqkhsiyada Adan waxba ka sheegimaayo bal se aqoontiisa ayaa ah mid intaas aad uga gaaban, kelina kuma aha ee inta badan ragga uu magacaabay waa la mid. Waxaan leys weydiinaya sida xukuumaddan sal ballaadhi u dhaqaaqi intii hore murankooda iyo kala hadalkooda aynu u soo joognee,
Guji hoos oo dhegeyso wabixinta Agaasimaha Golayaasha Bashiir Xariir
http://hadhwanaagnews.com/

 

 

 

Abdi Haji Axmed
hargeysawi@ymail.com