Wasaaradda
Duulista iyo Hawada Somaliland oo heshiis la saxeexatay Shirkada
Sameyn Doonta Dhismaha Casriga ah Ee Madaarka Berbera.

Shirkada ku guulaysatay dhismaha madaarka Berbera oo lagu magacaabo........
Hargeysa (TNN)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa
heshiis maanta la saxeexat ay Shirkaddii ku guulaysatay Dhisitaanka
casriga ah ee Garoonkta diyaaraha magaalada Bebera.
Shirkada ku guulaysatay dhismaha madaarka Berbera oo lagu magacaabo
Teleleberham Ambaye ayaa ah Shirkada ka soo jeeda Wadanka Itoobiya,
waxaanu Wasiirka Duulista iyo Hawada Somal iland oo faahfaahin ka
bixinayey sida ay Shirkadani ugu guulaystay qandaraaskan lagu
dhisayo Madaarka magaalada Berbera sheegay in ay ku baahiyeen Geeska
Afrika oo dhan ogeysiiska dhis maha madaarka Berbera.
Wasiirka Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay
heshiiskan ay Wasaaradda Duulista iyo hawadu la gashay Shirkadani
isaga oo sheegay in dhismaha madaarka Berbera lagu sameynayaa u
yahay dhisitaanka Terminal weyn oo uu garoonkaasi yeesho iyo Siliig
deyr u noqd a oo lagu soo wareejiyo.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo
arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu halkan maanta
heshiis ku kala saxeexanaya Wasaarada duulista & hawa da iyo shirkad
Ethiopian ah, taas oo la yidhaa Teleleberham Ambaye, heshiiskani
waxa weeyi qan daraaskii ay ku guulaysteen ee ahaa dhismaha
terminalka garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera kaas oo laga
dhisi doono terminal cusub oo weyn iyo deyr siliig ah oo lagu
wareejinayo garoonkaa”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Qandaraaskani waxa
uu ka mid yahay mashaariicd a ay dawlada Kuweyt ugu deeqday
Somaliland kaas oo muddo la waday baadhitaankiisa waxyaali hii lagu
qaban lahaa, intaas ka dib si hufan oo habaysan ayaa loo soo
bandhigay qandaraaska ay shirkadani ku guulaysatay, isal markaana
waxa lagu faafiyey geeska afrika oo dhan si ay shirkad ahoodu uga
soo qayb galaan, mashruucana hore ayaanu u saxeexnay qaybtii
dhismaha Madaarka Hargeysa”.
Wasiirka ayaa sheegay kharashka ku kacaya Mashruucani inta uu le’eg
yahay, waxaanu yidhi is aga oo arrimahaasi ka hadlaya “ Mashruucan
lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera waxa ku
baxaya lacag dhan 4,396000 $ (Afar Milyan Sadex Boqol iyo Lixyo
Sagaashan Kun oo doolar)”.
Masuulka ka socday Shirkadan Heshiiska la gashay Wasaaradda Duulista
iyo Hawada Somaliland oo lagu magacaabo Habtame Mingiste ayaa
sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin heshiiska ay shirkadoodu la
galayso Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, isaga oo
arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Aadbaanu ugu faraxsanahay
inaan saxeexo heshiiska aanu ku dhis ayno Garoonka Diyaaradaha ee
Berbera”.
Ugu dambeyntii waxa qalinka ku duugay Heshiiskaasi Wasiirka Duulista
iyo Hawada Somaliland Ma xamuud Xaashi Cabdi iyo Habtame Mingiste oo
ka socday Shirkada ku guulaysatay Qandaraaskan oo la yidhaahdo
Teleleberham Ambaye
Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|