Wasaaradda Daakhiliga oo ku Guuldarraysatay Xalinta Cabasho Hooyooyin Agoomaha oo muddo 5 bilood ah socotay

 


Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ku guuldarraystay inay xal u hesho cabasho

muddo badan socotay oo ay haween ka mid ah kuwii raggoodii ku naf waayeen dagaalladii dib loogu xorreynayey dalka ay kaga cabanayaan raashin la siin jiray oo laga jaray.

Cabashadan oo hadda socotay muddo shan bilood ah oo aan haweenkaa habayaraatee wax raashin ah la siin, waxay dhowr jeer Wasaaradda Arrimaha Guduhu ballanqaaday inay xalilayso, balse arrintaas waxay noqotay mid dhinacna u dhaqaaqin, kadib markii shalay haween tiro badan oo agoomo ahi mudaharaad cabasho ah ka dhex sameeyeen xayndaabka dhismaha Wasaaraddaas, xilli halkaa uu ka socday shir lagula xisaabtamayey hay’adaha caalamiga ah waxqabadkooda Somaliland.

Dumarka cabanayey ayaa waxay masuuliyiinta xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku eedeeyeen inay been ku maaweelinaysaan oo aanay doonayn inay wax u qabtaan, isla markaana kolba qolo u taga la leeyihiin, iyada oo ay hayso baahi adag iyo macaluuli.

“Halka ka tagi mayno, waayo gaajo ayaa na haysa, waanna Ramadaan.” Sidaa waxa tidhi hooyo ka mid ahayd agoomaha cabanayey oo uu ka muuqday jilayc iyo diif fara badan.

Haweenkan oo marar hore cabashooyinkooda u gudbiyey madaxtooyada, isla markaana oo mararna mudaharaade la hortagay, ayaa ugu dambeyntii Madaxweynaha la kulmay maalintii uu safarka ugu anba baxayey dalka Faransiiska, iyada oo u soo bandhigay dacwadooda, hase ahaatee waxa arrintaa si weyn uga xumaaday masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabsaday haweenkaas sida ay sheegeen dumarka cabanayey.

Waxa dadkaas cabanayey isku dayey inay meesha ka kaxeeyaan saraakiil ka tirsan Wasaaraddaas, balse way ku guuldaraysteen kadib markii ay dumarkaas ay doodeen inay halkaa ka tagaan. “Waar tagimayno, waxaad tihiin beenaalayaal.” Sidaana waxa ku tiraabtay hooyo aad u cadhaysan oo halkaa joogtay, waxaanay dumarkaasi ku sugnaayeen xayndaabka Wasaaradda Daakhiliga ilaa 2:00 duhurnimo, iyada oo aanay jirin cid qancisay si ay halkaa uga tagaan.

 

 


Source: Togdheernews