Wasaaradda Arrimaha Gudahu Waa Lafdhabarta Nabadda iyo Ammaanka

 


Aniga oo ah muwaadin Somaliland ah waxa aan tix-raacayaa maqaal ku soo baxay inta badan wergeysyada dalka, kuna taariikhaysnaa 3/2/2009. Maqaalkan oo uu cinwaankiisu ahaa (Wasaaradda Arrimhaha Guduhu Ma gudatay xilka loo igmaday mise way ku guuldarraysatay?) oo uu qoray Maxamed Xaashi Cilmi.


Haddaba, sida ka muuqata qoraalkan oo loogu talagalay in lagu wax yeeleeyo guulaha iyo hawlaha wax-ku-oolka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha guduhu ka qabatay xagga nabadda iyo degenaanshaha, ayaa ah mid aanay habayaraatee ka muuqan xilkasnimo iyo dhex-dhexaadnimo. Sida caadada ah waxa saldhig u ah qoraallada naqdiga xambaarsan in uu qoraagu marka uu sheego dhaliilaha uu sidoo kalena sheego guulaha si uu qoraalkiisu u noqdo mid isku dheellitiran.


Maanta Somaliland oo ah dal aan heysan aqoonsi caalamiya, kuna yaal mandaqad nabadgelyadeedu aad u xun tahay oo ay argagixisada caalamku ka dhigatay hoy iyo meello ay ka weeraraan ciddii u arkaan inay ka soo horjeedo danahooda, ayaa marka la qiimeeyo xaaladdiisa nabadeglyo lagu tilmaamaa mid aad uga wanaagsan ta ka jirta dalal badan oo dunida ka mid ah. Tusaalana waxa u ah sidii nabadgelyada lahayd ee ay hawlihii diiwaangalintu ugu qabsoomeen dhammaan lixda gobol ee dalka. Waxa ay dawladda Somaliland ku guulaysatay sugidda nabadgalyada, taas oo suurta galisay in ay diiwaangalintu si nabad ah ugu dhacdo Somaliland. Muxuu Maxamed Xaashi Cilmi guushan ugu bogaadin waayay dawladda Somaliland?


Siday dad badani ka marag kaceen, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee haatan xilka hayaa waa wasiirka kali ah ee tuulo tuule u maray dalka Somaliland, kana sameeyay rugo booliis. Arrimaha yaryar ee sida tuugada ama laba qof oo is-dilay ma aha mid lagu dhaliili karo Wasaaradda arrimaha Gudaha oo waa wax bulsho kasta ka dhaca oo xataa dawladaha waaweyn ee leh dhaqaalaha iyo aqoonta sare ayay daqiiqad daqiiqad uga dhacaan. Tusaale dalka Kiiniya ayaa inoogo filan.


Waxa uu Maxamed Xaashi ku eedeeyay, dhaliilna uga dhigay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dhacdooyin yar-yar oo ay ku kaceen koox argagixiso ai. Argagixisadu waa cudur adduunka ku fiday oo aan u gaar ahayn Somaliland, noqdayna aafo adduunka ku faaftay. Haddii aanu Maxamed Xaashi dawladda Somaliland kaga masuugayn guusha ay ka soo hoysay la dagaalanka argagixisada, muxuu u sheegi waayay kuwii noolaa ee ay ciidamada nabadgelyadu gacanta ku dhigeen iyaga oo faraha kula jira fal-dambiyeed. Ina Xaashi qoraalkiisa kumuu sheegin arrimahaasi oo ay caalamku ku bogaadiyeen Somaliland . Qoraalka Maxamed Xaashi waa mid ujeedo gaar ah leh oo aan habayaraatee u adeegayn danta ummadda.


Waxay dad badani ka marag kacayaan in uu Cadillaahi Ismaaciiil Cali yahay qof hawlkar ah una soo jeeda ilaalinta nabadgelyada qaranka, lehna aqoon la xidhiidha shaqadiisa. Waxase ayaan-darro ah in Ina Xaashi cay iyo ceeb uga dhigo hawlaha wasiirku u qabto dalka iyo dadkaba.


Waxa uu Maxamed Xaashi ku xusay qoraalkiisa ee uu dhaliisha uga dhigay wasiirka waxa ka mid ah in uu wasiirku colaad kala dhex-dhigay laba beelood oo ka soo kala jeeda gobollada Gabiley iyo Awadal. Eedayntan oo ah mid aanu Ina Xaashi u miidaan-dayin, ayaa ka marg kacaysa sida uu doonayo in bar madow ugu yeelo wax-qabadka iyo waan-waantii uu wasiirku ka dhex waday labada beelood. Maxamed Xaashi ma xusin kalintii uu isagu kaga jiray dhacdadaa oo ahayd dhiirrigalin iyo kicin uu la barbar taagnaa beel ka mid ah labadaas beelood. Hadaba, haddii ay cidi wax u dhintay nabadda iyo xasilloonida Somaliland, waxa la odhan karaa waa Maxamed Xaashi oo ku caan-baxay wax u dhimista nabadda iyo xasilloonida dalka. Waxa wali ay dadka reer Somaliland xusuusan yihiin kaalintii xumayd ee uu Ina Xaashi ka qaatay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo ereyadii qadhaadhaa ee uu ku hadli jiray. Maxamed Xaashi wuxuu ahaa ninkii shacabka ugu baaqay in ay Madaxweynaha ugu daataan gurigiisa isaga oo aan ka fakarin waxa ka iman kara. Hadduu Ina Xaashi yahay muwaadin jecel nabadda kuma uu tiraabeen ereyadaasi.


Tahriibta, sicir-bararka iyo waxyaabaha kale ee uu ku xusay Maxamed Xaashi qoraalkiisu ma aha qaar u gaar ah Somaliland ee waa aafo dunida hadhaysay kana dhalaty dhaqaalaha aduunka ee burburay, Somalilandna waabay ka sii xag-jirtaa.


Arrinta Gantaalaha ee uu wasiirku sheegay halka la soo mariyey iyo meesha ay ka yimaadeen ee uu Ina Xaashi ku dhaliilay, waxa ay ina tusaysaa sida aanu Ina Xaashi uga raali ahayn qabshada gantaalaha.


Waxa la ogyahay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu hor-tagay Golaha Wakiilada iyo ka Guurtidaba tiraba dhawr jeer si wax looga weydiiyo arrimaha la xidhiidha nabadgelyada iyo fidinta maalmulka. Waxa wasiirku siiyay labada gole war-biximo waafi ah oo ay si fiican ugu qanceen labada gole.


Guntii iyo gabagabdii, qoraalka Maxamed Xaashi waxa uu ahaa mid looga jeeday in lagu wax-yeeleeyo sharfta iyo wax-qabadka guud ahaan dawladda Somaliland, gaar ahaanna Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxa uu qoraalkaasi debadda u soo saaray nacaybka uu Ina Xaashi u hayo qof kasta oo dalka u shaqeeya.

 

 

 


Cumar Xasan Cali

Hargeysa, Somaliland