Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Cago Juglayn, Xadhig iyo Waliba Kala Eexasho Kula Kacday Qaar Ka Mid Ah Saxaafada Somaliland

 

 


Wariye Saleebaan Cabdi Cali (Saleebaan Kalshaale) ayaa Ciidanka Boolisku u taxaabeen Xabsiga.. Daawo Sawiradda



Hargeysa (TNN) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa cago juglayn, Handidaad, Xad hig, iyo kala eexasho u geysatay Saxaafada, ka dib markii Weriyeyaaasha Saxaafada Somalila nd qaarkood ay isku dayeen inay ka soo waramaan Xaflada uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub oo lagu qabanayey Xarunta Wasaaraddaasi, Wariyeyaasha oo isku dayey inay galaan xaruntaasi ayey Ciidanka Amaanka ee hor tubnaa u geysteen cago juglayn iyo iyaga oo iska hor taagay inay xafladaasi gudaha u galaan , si ay bulshada ugu soo gudbiyaan dhacdada Xaf laddan.


Wariyeyaasha qaarkood ayey Masuuliyiinta Wasaaraddu amreen in la sii daayo, qaarna waxa ay ku amreen in aan loo fasixin inay galaan Gudaha Wasaaradda, iyaga oo ku amray in ay iska noqdaan.

Wariye Saleebaan Cabdi Cali (Saleebaan Kalshaale) ayaa isna Ciidanka Boolisku u taxaabeen Xabsiga, ka dib markii uu isku dayey in uu gudaha u galo xarunta Wasaaraddaasi oo ay ka soc otay Xaflada Xil Wareejintu.


Waxana ay Ciidanka Amaanku la dhaceen Wariyahi Qori Dabadii, sidda uu noo xaqiijiyay Wariy e Kalshaale, mar uu la soo Xidhiidhay Shabakadda Wararka ee Timacade News, waxana uu in taasi ku darey in uu qabbo nabar, isaga oo sheegay in ay ciidanku ula dhaqmeen si arxan dar ro ah.

Weriyahan oo ka tirsanaa Wargeyska Waaheen ayey Ciidanka Boolisku Xidheen Markii ay saa cadu ahayd Tobankii Subaxnimo, isaga oo isku dayaya inuu guto waajibkiisa shaqo, waxaana lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Hargeysa, Saldhigana waxa laga sii daayey markii ay Saacadu ahayd Labadii Duhurnimo, isaga oo xidhnaa wakhtiga intaa le’eg iyada oo aan wax dembi ah lagu hayn.

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa markii u horeysay ee uu xilka la wareegayey, Wasaaraddiisu ku bilawday inay Saxaafada kala duwan ee Dalka kula kacaan kala qaybin iyo cago juglayn, taas oo aan hore caado ugu ahayn Xukuumadda Axmed Siillanyo.

 

 


Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa Office