Wasaaradda Arrimaha Dibada Oo Ka Hadashay Khilaaf Ka Taagan Doorashadda Qurba-jooga


 


Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Agaasimaha Guud ee........



Hargeysa (TNN) -Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland ayaa ka hadashay khilaaf ka dh ashay Doorashadda Jaaliyaddaha dibada Somaliland ay ku doortaan Hogaankooda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibada Faysal Cali Sheekh Maxamed, kaas oo u dhignaa sidan:-


“Waxa na soo gaadhay is fahan-waa ku saabsan nidaamka ay jaaliyaduha Qurbo-jooga So maliland ay ku doortaan cida Masuulka ka noqonaysa.


Sidaa darteed, waxay wasaaradda Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga cadaynaysaa in Ururada iyo Jimciyadaha Jaaliyadaha aanay dawlada Masuuliyad ka saarnayn Magaacibi da Masuuliyiinta hogaamisa.

Jaaliyaduhu iyagaaa u madax-banaan sida ay isu maamulayaan iyo cida ay hormoodka ka noqonaysa.”




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland