Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL oo Cadaysay In Aanay Jirin Cid Looga Yeedhay Aqalka Odayaasha Ingiriiska

 


Dawlada Jamhuriyada Somaliland waxay ugu bushaarayneysaa ummada reer Somaliland in hawlaha arrimeha debeda ee Somaliland ay marayaan meel aad u wanaagsan, Istratijiyadii aanu raacnayna ay guulo badan soo hoysay.

Guulahaasi oo aynaan hadda si furan ugu dhawaaqi Karin laakin aan la sugeyno wakhtigeeda ugu haboon ee lagu dhawaaqi lahaa.

Dowlada Jamhuriyada Somaliland Markay si qoto dheer uga baaran dagtay arrimaha diblomaasiyadeed ee ku xeersan aqoonsiga diblamasi ee Somaliland, waxay dowladu qaadatay kulana heshiisay wadamada ay isu sir furan yihiin in hawsheena diplamasiyadeed si dadban oo aan qaawanayn aynu u fulino.
Runtiina aad baan ugu liibaanay habkan maadaama cadowga Somaliland ay ku adag tahay in ay fahmaan sida ay Somaliland wax u wado una hananayso saaxiibo ka taageera qadiyada Somaliland.

Qof kasta oo indheer garad ah oo reer Somaliland ahi wuu fahmi karaa maanta halkay marayso siyaasada arrimah dibada ee Somaliland ilaa saaxiibada aynu ku leenahay koox loo yaqaano P5 counties.

Dowlada Jamhuriyada Somaliland waxay si gaar ah ugu mahad naqaysaa dhamaan muwaadiniinta Somaliland meel kasta oo ay joogan gar gaarka ay u gaysteen hawlaha diplamasiyadeed ee ay wado iyo sida hufan ee ay ula fahmeen dowladooda in Siyaasada arimaha debeda ee Somaliland aanay noqonin wax lagu yooyootamo oo dibada loo soo tuuro. Mar walba Dowlada Jamhuriyada Somaliland waxaa ka go’an in aanay lumin kalsoonida wadamada ay saaxiibka yihiin ee tiradoodu sii kordhayso maalin ba maalinta ka danbeysa.

Waxaa xusnaan gaar ah mudan sida dad aan si fiican wax u fahansanayn ama la majara habaabiyey ay ugu doodayeen maxay dowlada Somaliland war deg deg ah uga soo saari la’adahey arrimtii foosha xumeyd ee nimankii Mujrimiinta ahaa ee naf lacaaridka ahaa ay ka sameeyeen Hargeisa, Somaliland, 29-kii October 2008. Waxaa iyana wax laga naxo aheyd inay Website-yada Somaliland qaar ka mid ahi ay ugu yeedhi jireen nimankani Mujrimiinta ah naftooda hurayaal!

Waxaa maaanta u cadaatay dadkaa tallo habaabsanaa in ay arrintu ka waynayd lixda Mujrimiin ee is qarxiyay, waajibna ay ku ahayd Dowlada Somaliland in ay arrinta si qoto dheer u gasho deg degna ay iska ilaaliso, isl markaana ay si gaar ah ula kaashato wadamada ay ka soo jeedeen nimankan Mujrimiinta ahaa. Dad badan oo ka mid ah dadkan talo habaasanaa dib bay ugu soo hambalyeeyeen dawlada Somaliland siday howsha u soo afjartay.

Dowlada Jamhuriyada Somaliland waxay ummada Somaliland u cadaynaysaa in aanay haba yaraatee dhicin in Guriga odayaasha ee Boqortoyooda Ingiriiska looga yeedhin nin sheegtay in uu yahay xoghayaha arimaha dibada mid ka mid ah xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland si looga xog waraysto Somaliland.

Waxaa in la xuso mudan bratakoolka ay dawladuhu ku shaqeeyaan oo marnaba aan waafaqsanayn waxa uu ninkaasi sheegtey. Guriga Odayaasha ee Boqortooyada Ingiriisku wuxuu la xidhiidhaa Guriga Guurtida Somaliland.
Siddoo kale, guriga hoose ee baarlamaanka Boqortooyada Ingiriisku wuxuu si toos ah ula xidhiidhaa guuriga Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland. Dowlada Boqortooyada Ingiriiskuna waxay la kulantaa oo xidhiidh la leedahay dowlada jamhuuriyada Somaliland.

Waxa ay Dowlada Jamhuriyada Somaliland raaI gelin gaar ah gaadhsiisay shalay Lord Avebury oo dadka isla sawira had iyo jeer ku doodaan in uu balamo uu u samaynayo dowlada Somaliland. Arimaha caynakani oo kale ahi waxay hoos u dhigaysaa qiimaha dadka reer Somaliland.
Sidaa daaradeed Dowlada Jamhuuriyada Somaliland waxay si xoog leh uga waaninaysaa dadka reer Somaliland ee waqtigooda u hura taageerida wadankooda hooyo in ay si gaar ah isaga ilaaliyaan wixii dhaawac u gaysanaya sumcada Somaliland.

Dowlada Jamhuriyada Somaliland waxaa ay xusuusineasaa Mowaadinka arrinta kor ku xusun sheegtay, dhacdadii Addis Ababa eed NGOs ay Somaliland taageertaa isugu yimaadeen sharaf darada aad u gaysatay waad ogeyd. Sally Healy aad bay uga dheregsan tahay sida khaldanayd ee aad arrinta ugu qortay Website-yada taageera xisbiga aad ka mid ka tahay. Fadlan haddaad Gudoomiyahaaga aad doonayso in aad tusto in aad ka firficoon tahey ninkii kaaga horeeyay jagada aad sheeganayso, Somaliland way ka qiimo badan tahay wax qof la isku tuso.

Fadlan Suul daarka ka daa Siyaasada arrimaha debeda ee Somaliland.
 

 

 


Allaa Mahad leh.
Mohamed-Aar A Mohamed BSc, MSc, PhD
sl_diplomat@yahoo.co.uk