Wasaarada waxbarashada oo Dayacday Kaamil ciise Secondary School Tog wajaale

 


magaalad tog wajaale oo ah meesha kobaad ee lafdhabarta u ah ganacsiga xoolaha kulmisana dadyow kale duwan
dhaqaale badana uu kasoogalo dawlada islamarkana ah dekeda qalalan ee badeecadaha ethiopia kasoogudbay sida
qaadka kalabaydhka lagu cashuuro khudhaarta iyo waliba alaboyinkale oo soogala aya waxa jirta inaan haba yaratee
xukuumada madaxwayne axamed maxamed maxamuud silaanyo aanu waxba ka qaban adeegyadii wax barasha caafimaadka
biyaha dugsiga kaamil ciise secondary school oo ah dugsiga sare ee degmada tog wajaale ayaan ilaahada aan ladayatirin dayrkiisiina
dunsanyahay mudo la sanadood ah wasaarada waxbarashaduna anay waxba ka qaban dugsiga oo wada dilaacay meelwalbana
dilaacsantahay dayrkiisina hore udumay imikan fasalada laba kamidii qarka usaara yihiin inay iskufadhiista dumaan
waxaan wasiirka wasarada waxbarasha ee arintani khusayso u sheegaynaa inay sida ugu dhakhsahabadan wax uuga
qabtaan iyadoo wasaradu meelo cidla ah oon cidi daganayn oo baadiyo ah marwalba qandaraas ku bixiya iskuulana
ka dhisa kuwwi wax lagu baranayeyna dayacanyihiin inay dumaana qarka usaaranyihiin sida lawada og yahay dadwaynaha
ku dhaqan magaalada tog wajaale mudane madax wayne markii aad musharaxa madaxwaynenimo ee xisbiga kulmiye ahayd
waxaad noo balanqaaday inaad wax badan wax ka qaban doonto haday tahay waxbarashada caafimaadka biyyo galin rasmiya
oo lagu sameeyo balse may dhicin marwalba warbahinta waxaan ka daawanaa gobalada bari ee aad kasoo jeedo in dhismayaal badan xadhiga laga jaro iyo ceel biyoodyo hadaba dadka reer wajaale oo ah dadkii codkooda muddo 8 sanadood ah kula sugayay
kuuguna hiiliyay codkoodii qaaliga ahaa kuuna huray hantidoodii gaarka ay u lahaayeen islamarkana u badheedhay dhibaatooyin
badan oo jiray adiga dartaana mudaharaado ugalay hadaba dadka ku dhaqan degmada tog wajaale waxay kaaga fadhiyaan
balankii aad u qaaday iyo abaalkii ay kuugaleen inaad ugodo oonad noqon abaal laawe allamadle

Maxamed Cabdilaahi Maxamed [Qombor] togwajaale