wasaarada
kaluumeysiga somaliland iyo hayada i.o.m oo qalabka lagu kaluumeysto
gudoonsiiyay kaluumeystada Gobolka saaxil
Berbera (TNN)-Waxa maanta xaflad balaadhan loogu qabtay xarunta
Jaamacada Badda Berbera kaluu meysto tiro badan oo katirsan
iskaashatada kaluumeysiga ee somfish waxaana xafladaa qalabka lagu
gudoonsiinayay kaluumeystada ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada
kaluumeysiga iyo khayraadka bada Dr Maxamed Yaasin Xasan iyo
Gudoomiyaha golaha deegaanka berbera ahna Duqa degmada cab
dale maxamed carab iyo isuduwaha wasaarada kaluumeysiga ee Gobolka
saaxil c/qaadir ismaacil faarax waxa iyaguna ka soo qeyb galay
masuuliyiinta hayada deeqdan soo bixisay ee i.o.m waxaana xaflada
daadihinayay masuuliyiinta iskaashatada somfish oo iyagu baryahan
danbe siminaaro iyo aqoon kordhsi u qabanaayay qeybaha kala duwan ee
kaluumeysatada waxaana halkaa lagu soo badhigay qalab aad u mihiima
oo ay kaluumeystadu aad ugu farxeen qiime weyna ugu fadhiya aadna ay
ugu baahnaayeen waxanay wasiirka iyo masuuliyiinta hayada i.o.m ba
halkaa ka sheegen in aanay deeqdani intaa ku koo bnan doonin
ee ay dhinacyo badan ka caawin doonan balse ay taasi ku xidhan tahay
sida ay uga faa'ii deystan deeqdan hada la siiyay waxaanay
sheegen in hayadani ka socoto wadanka Japan.
Waxaa kale oo kaluumeystada aad looga wacyigliyay in ay ka shaqeyaan
nadaafada bada iyo ta qalab ka ay ku shaqeysanayaaba iyo in ay
ka fogaadaan wax loogu yeedho budhcad badeeda iyo waliba in ay ka
shaqeeyan ilaalada bada Somaliland wixii ay arkaan ee amniga
waxyeelayana ay ciidamada bada soo ogeysiiyan waxaana deeqda maanta
la gudoonsiyay in kabadan (80)xubnood kaluumeysato ah qalabka
n ayaa ka koobnaa dhamaan agabka lagu kaluumeysto oo dhan waxaana ka
maqnaa oo qudha laashas hkii waxaana kamid ahaa 10 toban
dumara oo iyagu haysta meelaha lagu iibiyo kaluunkan laguna shiilo
waxaanay oo qalabka lagudoonsiiyay
waxaana ugu horeyn halkaa hadal koobab kayidhi isuduwaha wasaarad
kaluumeysiga ee gobolka saaxil c/qaadir ismacil faarax waxana
hadaladiisi kamid ahaa”waxaan u mahad celinayaa hayada i.o.m ee
ina gu caawisay qalabkan qiimaha leh waxaana caawimadan suuragaliyay
wasiirka wasaarad kaluumeysiga ee Somaliland dr maxamed yaasiin
xasan iyo iskaashatada somfish . waxa isna halkaa ka hadlay duqa
degmada berbera cabdale maxamed carab”waxa marka hore aan mahad u
celinayaa wasiirka wasarada kaluumeysiga oo marka aad eegto wakhtiga
yar ee uu shaqeynaayay iyo waxa uu qabtay ay aad u kala badan yihiin
waxaanan ogey in uu aad ugu dadaalayo horumarinta kaluumeysiga waana
nin ku nasiib wanaagsan shaqada uu qaranka u hayo anaguna horena
waanu ula shaqeynay imikana waanu garab taagan waana la arkaa da
daalkii wasiirka midhihiisi maanta oo deeqdan ayaa kamida.
Gudoomiyaha isk aashatada kaluumeyiga ee gobolka saaxil ayaa
isna yidhi sedan”marka hore waxan u mahad cel inayaa wasaarad
kaluumeysiga iyo haayada i.o.m ee qalabkan qiimaha badan nagu
caawisay waxanan sigaara ugu mahad celinaya wasiirka oo geed gaaban
iyo mid dheerba u fuulay in ay dabatadu qalab hesho kal
uumeysatadana waxan dareensiinayaa in qalabkani yahay hati ay
leeyihiin oo aanay wasaarad iyo ha ayadi toona laheyn waxaana
laga rabaa in ay ilaashadan.
Waxa ugu danbeyntii halkaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka
akhriyay wasiirka kaluumeysiga Dr maxamed yaasiin xasan
“deeqdan maanta aad arkeysan waa mid loo dadaalay waxaanan u tagay
wadanka Kenya waanad arkaysan qiinaha ay leedahay waxa idinkana
laydin ka rabaa in aydaan khasa arin ee aad ka midha dhalisaan kana
faa.iideysatan waxbadan oo kalena waan idiin ogey oo way soo socdaan
waxan aad ugu faraxsanay dadaalkaygii oo maanta midhala waxana
arimahan igala shaqeeyay gudoomiyaha kaluumeysatada ninka
layidhaahdo yuusuf cambar wax kale oo aan halkan uga mahad celinayaa
hayada i.o.m iyo hawl wadeenadeeda imika inala jooga waxan
kaluumeystada kala dar daa rmayaa in ay ilaashadaan badooda
wixii budhcad badeeda ee ay arkaana waa in ay ciidamad u soo sheegan
oo aanay qarinin
Maxamed Ismaaciil Cumar
Timacade News Reporter
Berbera Somaliland
|