Wasaarada Hawlah Guud Oo Shaacisay In La Bilaabay Dhismaha Jidka Isku Xidhaya Berbera Iyo Wajaale
 

 


Wasiir ku-xegeenka wasaaradda Halaha guud ee Somaliland Cali Cabdi Saa’iqoo ka hadlay shirkan jaraa’id..........

 

Hargeysa (TNN)-Wasaarada Hawlaha guud ee Somaliland ayaa shaacisay in la bilaabayo jidka dhismaha wadada isku xidhayasa Berbera iyo Tog-wajaale ee Berbera Corridor

Shir jaraa’id oo ay maanta wada jir u qabteen Wasiirka Hawlaha guud iyo guyeynta Axme d Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaarada, waxaanay sheegeen in dhismaha jidkan oo isku xidhaya Magaaladda Berbera iyo Wajaale uu ku sii xidhimi-doono Wado kale oo ka timaa da dalka Itoobiya oo si rasmi ah u bilaantay.

Wasiir ku-xegeenka wasaaradda halaha guud ee Somaliland Cali Cabdi Saa’iqoo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisayo waddada Berbera Corridor uu maanta bilaabay waxaanu yidhi “Mashruucani waaa uu bilaabamay waxaanu socon doonaa muddo marka uu dhammaadano waanu shaacin doonaa sidda aanu bilawgiisaba u shaacinay”.

Wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade oo halkaas ka hadlay ayaa beeniyay wara r soo baxay dhawaan oo sheegayay in la iibiyay guryo ay Dawladu leedahay oo ku yaala Magaalada Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Haddii guryahaa dawlada ee de yrka loo samaynayo ee dayactirka loo samaynayo , waxa aanu dadka heshiis kula galayn aa haddana in aanay sheegan karin , waxaa ay ka qabteen ee ay bilicda ku hagaajiyeen ma sheegan karaan , markaa dhulbaa la hagaajiyay iyo dhulbaa la iibiyay waa kala laba wax isleh maaha waxa aanu aad iyo aad ugu dadaalaynaa in arrintaas aanay dadka xajiin ah gelin , waxaad yeelaysaan warkaa ummada gaadhsiiya oo cadeeya in aan dhulka ku yaalla xaafada shacabka aan la ogolayn in la iibiyo”

Ku dhawaaqista bilawaga dhismaha jidkan Berbera Corridor ayaa ka dambeeyey Guddi loo saaray kulan ay dhawaan ka yeesheen Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda ay ka mid yihiin Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta, Wasaarada Arrimaha gudaha, Wasaarada Ganacsiga, Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Hawlaha guud.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliand