Wasaarada Arr. Dibada ee Georgia oo Ku Baaqday in Ay Soomaaliya Aqoonsato Somaliland

 


Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dawlada Georgia Mr. Eka Tkeshelashvili, ayaa cadeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirto Kala danbayn , Nabad gelyo iyo xasilooni, isla markaana Soomaaliya ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland.

Dawlada Georgia ayaa Jawaab kulul ka bixsay hadalka soo yeedhay Safiirka kooxda Imbegati ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka ku sheegay in ay aqoonsan tahay gobollada ka go'ay dalkaasi ee Abqaasiya iyo Usheetiya.
Wasaaradda arimaha dibada ee dalka Georgia ayaa beenisay hadal sheegayay in dowlada KMG Soomaaliya ay doonayaso inay aqoonsato madaxbanaanida gobalada Osheetiyada koofureed iyo Abkhaasiya ee dhawan sheegay inay ka goosteen dalka Georgia.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Georgia Mr. Eka Tkeshelashvili oo si cadho leh uga hadlay, kuna baaqay in Soomaalida dhibaatada iyo Colaada hadhaysay ay iyagu is Aqoonsadaan.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay faraha kala baxaan arimo aan loo dirsan oo aan ahayn taagtooda, Wasiirka waxa uu tusaale u soo qaatay Somaliland oo Nabad iyo kala danbayni ka jirto oo ka horumarsan Soomaaliya ay aqoonsadaan waa hadii ay doonaayaan inay Saaxiibtinimo iyo Diblomaasi rabaan. Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maanta laga bilaabo wadanka Georgia fiiro gaar ah u yeelan donaan “Soomaalida” iyo cid kasta oo ka soo horjeedo mabda’oda”.

Hadalkani ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Georgia ayaa ka danbeeyay, kadib markii horaantii todobaadkan aynu ku jirno safiirka dowlada KMG u fadhiya magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka Max’ed Xandule uu sheegay in dowlada KMG ay diyaarinayaso qorshe ay ku aqoonsanayso Madaxbanaanida Labada gobol ee Abkhaasiya iyo Osheetiyada koonfureed, isla markaana ay ku tallo jirto in ay xidhiidh dhinaca Diblomaasiyada ah ay la yeelato labadaasi gobol.

Jaraa'idka Afka dawlada Georgia ku hadla ayaa maanta Bogga hore ku soo daabacay Taariikhda Somaliland iyo Xasuuqii ay Soomaaliya u geysatay dadka Somaliland, taasi oo ay ku sheegtay Xasuuq waxashnimo ah Beesha caalamkuna looga baahan yahay in dadkii dhibaatooyinkaasi geystay Maxkamad la soo taago.

Waxa kale oo uu jaraa'idkaasi hoosta ka xariiqay in dadkaasi Fal danbiyeedka geystay ay ku jiraan Waxa hada lagu sheegay Dowlada KMG waa sida uu qoraye, waxaa kale oo uu Jaraa'idkaasi ku soo gabagabayeeyay Dowlada Georgia waa in ay Wefdi deg deg ah u d irto dalka Somaliland.
 

 

 



Source:SN