Wasaarada Arrimaha dibada oo Beenisay in bixinta Baasaboorka Soomaaliya Xafiis looga furay Hargeysa





Hargeysa (TNN)- Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war she egayay in magaalada Hargeysa laga furay xafiis laga bixiyo baasaboorka Soomaaliya oo ay qorayeen qa ar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Hargeysa.



Agaasimaha Guud ee wasaarada arrimaha dibadda Md. Maxamuud Raage ayaa ka hadlay arrintaasi oo uu si kulul u beeniyay.warkaasi “Waxaan kuu sheegayaa in warkaasi waxba kama jiraan yahay wax xafiis ah oo ay Soomaaliya ku leeyihiin Somaliland-na aanu jirin wax baasaboor ah oo laga bixiyaana aanu jirin raadkeedana ma hayno. Wali baadhitaanku wuu socdaa. Dad badan baa baadhistaasi ku jira illaa hadda na wax ay nagu soo celiyeen ma Jiro,”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Khaarajigu.



Maxamuud Raage waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan tallaabo adag oo sharci ah ka qaadi doonto ci dii lagu qabto iyadoo dalka keentay baasaboorka Soomaaliya.
 


“Haddii ay dhacdo oo qof shakhsi ah ama shakhsiyaadba hunguri u geeyo waa arrin aanu qaranka Soma liland ogolaanaynin oo xad-gudub ah,”ayuu yidhi Agaasimaha guud oo caawa u waramayay Telefishanka Horn Cable.

Waxaanu intaasi ku daray “Somaliland baasaboor ayay leedahay oo ay dadkeeda iyo madaxdeedu ku sa farto oo ay meel walba ku tagaan oo adduunyadu aqoonsan tahay oo inoo shaqeeya. Qofkii isku daya in uu ganacsi noocaas ah bilaabana waxa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan maxkamaddaana la geynayaa,”
 



Source: Somaliland.Org