Warshada labaad ee Sibidhka Berbera‏ waa in aan loo dulqaadan cidda horjoogsata dhismaheeda

 

 

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta madax banaan ee noo kala tebisa wararka Asww. Horta dadkan murmaya ayuun baynu ka mid nahay innaguna laakiin dadka ka warhaya sida ay xaalada wersheda berbera ay ahayd ayuun baa ka hadli kara qofka kale ee ku soo baraarug ay murankan yar ee hadda dhashay aad xogogaal uma ah anigu waxaan jecel ahay in aan in yar ka idhaahdo muranka wersheda oo mudo dhaw bilowday kaasi oo ku yimid in la abuuro ma algashi sida uu distuurku tilmaamayo qofkasta oo dalka maalgashanayana xaq buu u leeyahay inuu maalgashado haddii uu dan moodo taasi oo sharcigu siinayo in suuqa xorta ah uu jiro qof kasta oo muwaadin ah oo maalgashanaya dalka xor ayuu u yahay inuu samaysan karo maalg ashi isaga u gaar ah iyo ku uu la galo dad kaleba.

Intaasi sharciga ayaa inoo ogol marka la eego berbera maxaa keenay in ay bilaabato qaylo iyo sawaxan markii la maqlay ganacsade dahabshiil ayaa dawlada weydiistay in uu keeno wershed sibidh oo uu maalgashado isla markaana abuuro meel ummada wax uga soo baxaan shaqo camiraad badana laga heli karo haddii ay berbera tahay iyo haddii ay tahay magaalooyinka kale ee dalka,gaar ahaan waxaa ay wershadani faa'iido u leedahay dadka reer berbera iyo wadanka oo dhan markaa in la diido oo dadka qaar ay ka qayliyaan ama ay u ekaato si kale waxaa wadaa waa dad caqli gaab ahaa ee labaatankii sanadood ee aan soo jirray waxba ka taransan waayey in ay maalgashadaan wershadaasi ayaa doonaya in ay ku marmarsoodaan wax aan hore uga dhicin somaliland oo ah waa gobolkayagii oo khayraadkiisa annaga ayaa leh.

kolay dadka ka hadlaya wershada ee buuqa ugu badan ka wada berbera labadii madxweyne ee somaliland soo maray wey xidheen sababta ay u xidheena wuxuu ahaa sida maanta ay u horjoogsadeen maalqabeenka wersheda samaynaya oo kale ayay u horjoogsadeen haamaha berbera, dekeda berbera iyo xaryntii ciidamada, balse afka ayaa lagu dhuftay oo way u hirgeliweyday maantana waxaa haboon in dawladu afka ku dhufato cidkasta oo ka soo horjeedsata maalgashiga wersheda sibidhka waana hal nin oo lagu yaqaano inuu had iyo jeer ka xigsado dadka sidii oo uu isagu leeyahay berbera layn siyaasadeedna wuu dhex socdaa.

Waxaan leeyahay anigu wershado kale ayaa dalka ku yaal miyaa maqasheen cid ka hadlaysa oo ah dadka degaanka ku ah goobahaasi maya weeye maxaa muranka loo gelinayaa wersheda labaad ee la dhisayo waxaan anigu u aqaan taasi ujeedooyin kale oo qarsoon oo aan wali soo bixin marka aan eego wersheda sibidhka ee hore u jirtay iyada oo guuxaysa ayaan dul joogsaday markii dalka la soo galay ismaan lahayn waa la bililiqaysan waxaan u dhaafay dadkii degaanka ku ahaa ee ka tirsanaa jabahadii dalka soo gashay seddex maalin kadib ayaan soo maray meeshii oo halkii sibidhku marayey ay ku xidhaan baabuurtoodii aad baan ula yaabay intii danbe halkii ay martay waa tii la ogaa.

Hadaba waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa maalgashiga maalqabeenka ee wersheda sibidhka maalgashanaya,xukuumadana waxaan leeyahay shakhsiyaadka horjoogsanaya maalgashiga intaa leeg ee muwaadinkaasi wado waa in ay ku qabataa gacan birr ah haddii ay maqasho xukuumadu fidmawadayaasha degaanka ka qabqablaynayaa waxaad ogaataa in meelo kalana aan la maal gelin doonin mid dibadeed iyo mid muwaadiniintu gashataba.

Midna waan idiin sheegayaa dadka reer somaliland ma yaqaano wax wada lahaanshaha,reer berberna waxaan leeyahay waa ka macaashi doontaan wershadaasi ee ha hor joogsanina,r agga midkale samaysanayana waa loo ogol yahay ee taada gaar u samayso ayaan kugula tali n lahaa sharciga dalka ayaa sheegaya in suuqu xor yahay oo lawada tartami karo, la iskuna eryi karo sida hadaba aan aragno in baaycmushtarku isku eryo.


Anigu waxaan taagan ahay haddii barito baadrool soo baxo ma degaanka laga helay ayaa la weydiinayaa in la qodo mise dawlada ayaa maamulaysa? xukuumada waxaan ugu celinayaa in ay gacan birr ah ku qabato cidda is hortaagata maagashi shakhsi wado mid dibadeed iyo ku dad isu tagey ay samayanayaanba.


Waxaa kale oo aan leeyahay reer berbera marka wax yimaadaan waxaa ay noqon jireen ku wa soo dhaweeya laakiin intan danbe waxaa soo baxaya dad ku shaqaysanayaa berberanim ada markaa berbera iyo wixii ilaahay ag dhigay ee kharaad ah lagala tashan maayo shakhsiy aad iyo dagaal ooge toona dulqaad ha la muujiyo reer berberow dalku waa inaga dhexeeyaa dhib iyo dheef kii laga helaba.

 

 

 

 

A.D.Camuud
adamuud@hotmail.co.uk