Warsaxaafdeed Ka Soo Baxay, Socdaalka Waftiga Madaxweynaha
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Warsaxaafadeed. Djibouti, 03-15,2009

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey oo maalmahanba dalka kaga maqnaa booqashooyin kala gedisanaa oo uu ku soo maray Dalka Ingiriiska iyo Dalka Etbhiopia, halkaasi oo ay kula soo kulmeen Masuuliyiinta dawladahaasi, ayaa shalay galab soo gaadhay Caasimadda Dalka Djibiouti ee Djibouti, halkaasi oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Masuuliyiin sar sare oo uu horkacayey, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cali Cabdi Faarax.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa Huteelka ay deggan yihiin ee Kempinski ku soo booqday caawa Masuuliyiin sar sare oo ka socda Dawladda Fransiiska, kuwaasi oo kala ahaa, Admiral-ka Indian Ocean ee Ciidamada Badda ee Fransiiska Mr. Gerard Valin, Safiirka Fransiiska u jooga Dalka Djibouti Ambassador Dominique Decherf. iyo Brigade General Phillippe Leffort, Taliyaha Ciidamada Fransiiska ee Djibouti.

Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Admiral, Gerard, waxay si qoto dheer isaga warysteen arrimaha khatarta badan ee budhcad badeedu ku hayso badaha Geeska Africa, kuwaasi oo muddooyinkii dambena aad u sii xoogaystay, Madaxweynuhu waxa uu Admiral-ka ku wargeliyey sida ay Somaliland uga go'an tahay la dagaallanka budhcad badeeda, taasi oo uu Madaxweynuhu u sheegay inay tahay lama huraan, isla markaana Fransiiska iyo beesha caalamkaba looga baahan yahay in Somaliland ay ka caawiyaan sidii ay u xoojin lahayeen Ciidamada Illaalada Badaha (Maritime Coastal Guards).

Admiral-ku waxa uu Madaxweynaha ku hambalyeey, sida fiican ee Ciidamada Illaalada Badaha Somaliland ay ugu heeganka yihiin la dagaallank budhcad badeeda, iyadoo waliba aanay haysan adeegyo dhammaystiran oo ay kaga hawlgalaan badaha Somaliland. Waxaana uu ballan qaaday Admiral-ku inay wax ka qaban doonaan baahiyaha Ciidamada Booliiska badaha Somaliland.

Kullanka caawa masuuliyiint ku weheliyey Madaxweynaha waxa ka mid ahaa, Ku Xiggeenka Wakiilka Somaliland ee France, Mr. Daahir Qallinle iyadoo ay admiral-kana ku weheliyeen kullankaasi, Safiirka Fransiiska ee Dalka Djibouti, iyo Taliyaha Ciidamada Fransiska ee xaruntoodu tahay Djibouti.
 

 


Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah
ee Madaxweynaha JSL