War-saxaafdeed ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ)

 

1. Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) waxa uu ku wargelinyaa dadweynaha reer Soomaaliland inay maanta oo Khamiis ah oo bishu tahay March 5, 2009 ay hawshii kala shaandhaynta Serverka si buuxda u bilaabantay. Arrintaa Serverku waa arrin in muddo ah laga shayqnayay si loo tayeeyo farsamadeeda si Serverka xawligiisa bar baroolaha ah uu u noqdo ugu yaraan 400,000 bar barroole il-bidhiqsigiiba. Is barbardhigaas oo looga gon-leeyahay in laga saaro xogaha la soo ururiyay wixii ku noq-noqosho ah.

2. Waxa Serverka la geliyay 1,348,061 diiwan-gelineed oo u kala soocan gobol, degmo iyo goob diiwaan-gelineed. Tirada iska diiwaan-gelisay gobol walba waa sida hoos ku cad:

 

Number of Registrant from the Server Database

SNO

Region

With Fingerprint

Without Fingerprint

Total Number Of Registrant

1

Saaxil

39773

12428

52201

2

Awdal

119137

82861

201998

3

Hargeysa

228029

196187

424216

4

Togdheer

133808

188904

322712

5

Sanaag

67055

141522

208577

6

Sool

39370

98987

138357

  TOTAL

627172

720889

1,348,061

Xogtani waa xogtii lagu shubay Serverka kala shaandhaynteediina waa la wadaa si habsami ah oo aanu aad ugu kalsoonahay farsamo ahaana laga baaraan degay ayay u socotaa.

3. Xisbiyada Qaranku waa inay soo dirtaan saraakiisha ay u wakiisheen hawshan Serverka si ay ula socdaan meesha hawshu marayso.
4. Ka hor intaan la bilaabin kala shaandhaynta waxay farsamo-yaqaanadu sameeyeen dhawr tijaabo (tests) oo ay ku xaqiijinayaan wax-qabadka iyo habsami u socodka qalabka ( Reliability of the Server) waxayna ku qanceen natiijooyinka ka soo baxay tijaabooyinkii ay sameeyeen. Xawliga uu ku socday systemku waa inuu eego 400,000 oo bar-barroole il-bidhiqsigiiba (400,000 matches per second). Hase yeeshee markii la kordhiyay xawliga Serverku wuxuu marayaa 413, 734 bar barroole il bidhiqsigiiba.

5. Serverku waxa uu barbar dhigayaa halkii sawir-fareedba sawir-fareeddada kale oo dhan si uu u hubiyo in aanay jirin wax ku noq-noqosho ahi. Haddii la waayo wax ku noq-noqosho ah diiwaan-gelintaasi waa ansax. Haddiise la helo in is diiwaan-geliyuhu is diiwaaan-geliyay hal mar in ka badan, waxa ansax ah is diiiwaan-gelintii ugu horreesay oo kali ah ee ku noq-noqoshadu waa waxba kama jiraan.

6. Waxa uu KDQ ku rajo weyn yahay in qaybta hore ee hawshani ay soo dhammaan doonto muddo ka yar 15 cisho. Isla markaana si deg-deg ah loo gelin doono isu eegidda sawirada qofka si loo ogaado in aanay jirin ku noq-noqosho. KDQku wuxuu wuxuu u hanweynyahay in liiska kamadambaysta ah uu noqdo mid xialaal ah.

II KDQ iyo Xisbiyada Qaranka

1. Waxaa xusid mudan, dadweynaha ay tahay in ay la socodaan, in wafdigii deeq-bixiyayaasha ee 17/2/09 yimid Soomaliland ay la kulmeen Komishanka Doorashooyinka iyo saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha. Waxaana ugu muhiimsanaa, maadaama ay muuqato in Doorashada Madaxtooyadu dib uga dhacayso muddaynteedii hore in saddexda Xisbi Qaran iyo KDQ heshiis wadajir ah ka wada gaadhaan barnaamijka iyo taariikhda ay Doorashada Madaxtooyadau dhici doonto.

2. Waxaa kale oo xusid mudan in Hay’adda Interpeace oo KDQ kala talisa xagga farsamada ay Xisbiyada u qadimeen jawdalka doorashada doorashada oo ku salaysan muddada qandaraasyada caaamiga, tababarada shaqaalaha, shaqada serverka iyo hawlaha kale ee la xidhiidha Doorashada Madaxtooyada oo ka kooban 60 maalmood, oo ka billaabmaya 29ka March 09 oo ah maalintii hore u muddeysnayd.


7. Toddobaadkii ina dhaafay waxaa KDQKA iyo saddexda Xisbi Qaran wada yeesheen kulamo arrintasi la xidhiidha oo lagaga arrinsanayay, si moqif midaysan looga qaato waqtiga la qabanayo doorashada Madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa.

8. Xisbiyada UDDUB Iyo UCID waxay la qaadteen KDQ muddadii KDQ soo jeediyey waanay aqbaleen. Haseyeeshee Xisbiga KULMIYE arrintaasi kumuu qancin waxaannu iska taageen mowqif xisbi oo gaar ah. KDQ wuxuu si muuno leh ugu baaqayaa xisbiga KULMIYE inuu mowqifkaa ka taansulo.


II Deeq-bixiyayaasha:
• Deeq-bixiyayaashu waxay Somaliland ka muddanyihiin muddanyihiin ammaan, gacantii dhaqaale ay inoogu deeqeena ay inoo soo suurtogelisay in inoo qabsoonto diiwaangelinta codbixiyaasha. Sidoo kale ay marlabaad gacan kale iyo dedaalba ka gaysteen in diiwaangelinta laga saaro wixii khalad ahaa ee galay. Waxaa iyana si buuxda u ballanqaadeen in miisaaniyada doorashada madaxtooyada xil qaadaan 75%.

• Waxa deeq-bixiyeyaasha ay hore loogu gudbiyay warbixintii handhowerka SL oo kooban (summary report) oo ku saabsanaa miisaaniyaddii Dowladda ee diiwaan-gelinta. Waxaa ay codsadeen codsadeen in loo soo diro warbixintii oo buuxda (Full Report). Hanti-Dhawraha Qaranka ayaa deg deg ugu diraya warbixin faahfaahsan.

• Waxa iyana aan aad u quruxbadneyn in waraaqo maamuleedka (Administrative Documents) ee deeqbixiyaashu u soo direen KDQ, Axsaabta Qaranku loo gudbiyo oo lagu qoro Jaraa’idka iyo Websaytyada. Taasina waxaannu leenahay, Waana arrin aan loo baahnayn.

• Interpeace iyo deeq-bixyeyaashu waxay leeyihiin nidaam hanti-dhawr caalami ah oo u gaar ah.


III Caddadkii ku soo baxay wargeyska Ogaal taariikhdu markay ahayd March 5, 2009

Cadadkii ku soo baxay wargeysaka Ogaal markay taariikhdu ahayd March 5, 2009 oo ku saabsanaa warbixintii uu Komishiner Axmed Maxamed Xaaji kaga hadlayay dhowerka arrimood ee dhaqaalaha deeq-bixiyeyaashu ka mid ahaa ee diiwaan-gelintaba.
KDQku wuxuu halkan ka caddaynayaa in hadalkaa ku soo baxay wargeyska Ogaal cadadkiisii 731 ee ku taariikhaysnaa March 5, 2009 ee uu yidhi Komishiner Axmed Xaaji maxamed (Bidaar) uu yahay hadal isaga oo keliya ku kooban oo aan KDQ la wadaagin.

IV BARAARUJIN KA TIMI KDQ
a) KDQ wuxuu halkan ku itiimineynaa in KDQ u igmanyahay hawsha doorashooyinka Qaranka hadday tahay muddaynteeda, maaraynteeda, garsoorkeeda, iyo ka midho dhalinteedaba. Haddaba waxaa mudan in Komishanka lagu ixtiraamo laguna xurmeeyo hawshooda.

b) Komishanku wuxuu xusuusinayaa Axsaabta Qaranka iyo dawladdaba inaan welli la gaadhin waqt oloyaha ee ha laga dhigtoonoodu hadalada hadalada aan habbooneynen ee la isku marimayo warbaahinta dalka ee kala duwan.

c) Ugu dambayn waxaa KDQ ku boorrinyaa Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo dadweynaha soomaaliland carruur iyo cirooleba inay guntida dhiisha iskaga dhigaan sidii aynu u xaqiijin lahaayeen inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah “ Waxaa hore loo yidhi: Ha is weydiinina wuxuu waddankiinu idiin qaban karo, balse isweydiiya waxaad waddankiina u qaban kartaan”
 



Wa bilaahi Towfiiq,

Jaamac Maxamuud Cumar

Guddoomiye