Warsaxaafdeed Ka Soo
Baxay Wasaarada Qorshaynta
Waraysi Wargayska SAXANSAXO la
yeeshay Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Ku lmiye, maalintii arbacada,
28kii October 2009, wuxuu xoghayahu wareysigaas ku sheegay:
"In taageeraddi dawladaha reer galbeedku ay siinjireen Somaliland
dib loo dhig ay ilaa doorashooyinka ka dib. Cid imika kula soo
deg degaysa Somaliland mucaa winadeeda maamulka imika jirana
aanay jirin, iyadoo imika dalku doorasho u diy aar garaoobayo"
Warkaas uu bixiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye waa been
abuur, sal iyo raadtona lahayn, oo aynay waxba ka jirin sababaha soo
socda awgeed.
Kaw: Muu ahayn warkaassu mid rasmi ah oo uu soo xigtay xogo rasmi ah
oo la sheegay. Haddu hayo xogahaas waa looga fadhiya inuu warkisaas
ku saleeyo.
Laba: Arrimaha uu ka hadlay ee deeqda ku saabsan waxa rasmi ahaan ka
wada xajoon kara dawlado sida Xukumadd Somaliland iyo dawlada kale
ay khuseyso. Ma aha mid u taala oo cidi kal tashaneyso, rasmi ahaan,
Xoghaye xisbi mucaarid ah.
Saddex: Warkaas la sheegay ma ah mid rasmi ahaan u soo gaadhay
xukumada oo la hayo, haddii taasi jirina, waa waxkuma ool.
Afar: Deeqaha dawladaha reer galbeeku waxay soo maraan barnaamijka
dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland (2008-20012). Barnaamijkaas
oy ansixiyeen deeq bixiyaayaasha iyo xukumadda Somaliland dhamaadkii
sanadkii 2007. Wax- iskabedeley barnaamijkaas oo ku saabsan deeqaha
ka imanaya dawladaha reer galbeedkana, ilaa hadda, ma jiraan. Sidii
loogu talogaleyna wuu u socda.
Barnaamijkaas oo ay fulintiisa ay
masuul uga tahay xukumadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranku.
Waxaa markaas Wasaaradda Qorshaynta Qaranku kula talineysa Xoghayaha
Ar rimaha Dibedda ee Kulmiye inuu kawaantoobo ka dhawaajinta arrimo
runta gar ab marsan oo laga yaabo inay dib ugu soo noqdaan.
Alla Mahad Leh,
Maxamuud Xuseen Muuse
Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,
Iskuduwidda iyo Xidhiidhita Ha'yadaha Caalamiga ah
|