WARSAXAAFADEEDKA BILAHA AH EE XISBIGA UCID
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفه
___________________________

Date, June 8, 2009
Ujeedo: War-Saxafadeed


Sida lawada ogyahay, Wuxuu Xisbiga UCID bilkasta dhamaadkeeda. uu caado ka dhigtay in uu u soo bandhigo shacibga JSL xaaladaha ama duruufaha dalka ka taagan, kuna wajahan Arrimaha, dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgelyada, addeega bulshada gaar ahaan duruufaha Qalafsan ee ku xeeran nolosha dadka iyo duunyada ee xilligan iyo aragtidiisa talo bixineed.

Qiimeynta, xoggahaas oo inta badan xisbigu ka soo qaato warbixinaha, kulan bileedyada 15-ka iyo 30-ka bil walba, ay yeeshaan guddida fulinta iyo xubnaha G/dhexe oo bishan uu weheliyo warbixinaha ay soo gudbiyeen masuuliyiinta kormeerka xisbiga ugu kicitimay gobolada iyo degmooyinka dalka.

Qodobada War-Saxafadeed Xisbigu ka hadlayo waa:-

· Waxaa dalka ka taagan Abaaro baahsan oo galaafatay dad iyo duunyaba oo ilaa hadda aanay uga hadal si waafi ah xukuumadii uu xilku ka saarnaa. Waxaa iyana dalka miyi iyo magaalaba ka taagan biyo la’aan, dadkii oo ku soo qulqulayaan magaalooyinka qorshe ka soo horeeyaana aanu jirin

· Waxaa sii xoogeysanaaya shaqo la’aantii jirtay kuna biirtay adeeg la’aan ka jirta xafiisyadii xukuumada oon wax shaqo ahi ka socon, taasoo inta badan sabab looga dhigo mushaharkii koobnaa oo sida la xaqiijinayo saddex bilood aanay qaadan Haya’daha badankoodu, waa tu ku dhereran dhaqaale burbur xoogan. Kadib markii uu lumay qaabkii, nidaamkii shaqo, musuq maasuqna hadheeyey, lana wayey kaantarool, daba gal iyo xisaabtan la’aan.
· Nasiib daro, waxaa loo gudbay boobka hantida maguurtada ah oo si bilaa xad ah oo shuruucda dalka baal marsan, iibintooda loo-galo, lacagtiina aan la aqoon meel ay ku dhacday.
Waxaa kuwaas ka sii daran hoos u dhaca ganacsiga, dhoofka xoolaha laga wareejiyay dekeda Berbera waxay la mid tahay dalkii oo dhuunta lagu dhuftay, waxaanan mar labaad soo jeedinaynaa in guddi G/Wakiilada loo saaro sababta keentay cayn-wareegaas dhaqaalaha qaranka loo geeystay, qaali garowga maceeshada iyo daruuriyaadka kale, oo halkii laga jabin lahaa lagu sii culeysiyey danyarta macaashal-maacshkii ganacsatada ku waajibay oo nidaam ahaan lid ku ah xeerka cashuuraha toosan.

· Waxaa nasiib daro ah xukuumadda dhibaatooyinkaas xalintooda ka daneysatay, ayadoo horeba ku tumatay shuruucdii iyo xeerarkii dalku uu lahaa, horseedna u noqotay, caddaalad darro xooggan, isla markaasna ku guul dareysatay wax ka gabashadii kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo istiraatijiyada la’aanta shaqo abuurista, tahriibka dhalinyarada sida xaddhaafka ah u baxaaya tusaale, Dugsi afar boqol (400)oo arday ku jirtay ayaa waxa dahriibtay boqol iyo todoba (107) Arday. (Walaalayaal ha Tahriibina UDUB way Tegaysaa).

· Waxaa wax lala yaabo ah xisbul-xakimka, xukuumadiisii tahli kari weyday, wax ka qabashada amuuraha kor ku sheegan, isla markaasna awoodi kariwayday doorasho xiligeedii qabsoonta dimuquradiyadiina ku badashay muddo kordhin himilooyinkii laga lahaa doorashooyinka jarka ka tuurtay, deeq-bixiyaashiina niyad-jab ku riday iyaba waa mucjiso eh ayaa hadana olole doorashe u soo tafaxaydatay, waxqabadka ay ku faantaana noqtay xaflad qabasho shaqsiyaad (dadweynuhu ula baxay waji ku macaash) ama ururo been abuur ah oo ay ku sheegato in ay ka soo baxeen xisbiyada mucaridka, gaar ahaan xisbiga UCID taasna waxaan leenahay “nin daad qaaday xumbo cuskay”.
Xisbi ahaan waxaan aad iyo aad uga xunahay Qaylada ka soo yeedhaysa fanaaniinta Qaranka ee milgaha iyo sharafta inaga mudan, waa taa xaqoodii siin karwayday waxayna qayladaasi ka turjumaysaa tamar la’aanta Xukuumadda iyo heerka musuq-maasuqu gaadhsiisanyahay.

· Socdaalka Madaxweynaha waa waajib saaran in uu kormeero gobolada iyo degmooyinka Dalka, laakin kormeerka Madaxweyne Reyaale ee lix(6) sanno ka bacdi waxay la midtahay “Ciyi waa ka baryay”, Kormeerka Madaxweynaha ee olalaysan wakhtigeediina la joogin muxuu se u kordhinayaa dadweynaha maanta ku jira xaaladda adag ee gurmadka u baahan, maxay se balanqaadyadan cusubi soo kordhinayaan “Timirtii Horaba Dabloowaaye”.

Waxaanu ku soo gunaanadaynaa war-saxafadeed sida aanu horaba ugu sheegnay baaqayagii aanu u dirnay bulshada caalamka ee qeexayey dhibaatooyinka dalka ka taagan sida ilawga bulshada caalamku u ilawday Somaliland in ay wax kala qabato dhibaatooyinka ka jira dalka sida abaaraha, biyo la’aan, shaqo la’aanta, wado la’aan, horamarinta adeegyada bulshada iyo Ictiraafka kaas oo suurta gelinay in ay Somaliland iyadu wax badan qabsan karto haddii la helo gudoonka bulshada caalamka.

Sidaas darteed haddii aanu nahay Xisbiga UCID waxanu balan qaadaynaa in aan la imaan doono Barnaamijyadii lagaga bixi lahaa dhibaatooyinka dalka ka taagan oo xambaarsan isbedel caddaalad ku dhisan Haddi Alle Idmo

Ugu dambeyna waaxan shacbiga ugu baaqaynaa talo saarashada Eebe, baryadiisana badsanaa goor kasta iyo xili kastaaba.

Alla Mahad Leh


 


Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)
Afhayeenka Xisbiga UCID