War-Saxaafadeed

 



Date: 11/02/2011


Baahida ugu wayn ee uu maanta dalkeenu u ooman yahay waa aqoonsi uu ka helo caalamka  Umm ada Reer Somalilandna waxay xukuumadooda u igmadeen inay Beesha caalamka ka raadiso  Ictira afka kuna soo bandhigto qadiyadeena fagarayaasha caalamku isugu imanayo.

Todobaadkii ina dhaafay waxaa lagu qabtay magaalada landon ee cariga ingiriiska shir ay ka soo qayb-galeen dawladaha ee daneeya arinta Somaliya Sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Sw edan, Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ururka Midowga Afrika iyo Hay’addo kale duwan. Iyo wadamada mandaqadda aynu ku nool nahay ee ay arimaha somaliya ka socdaa ku leedahay  saa maynta tooska sida Itopiya,Somaliland,Kenya iyo Uganda.

Shirkaasi ma ahayn mid la isugu keenay kooxaha Somaliya laguna heshiisiinayo ama dawlad loogu dhisayo sida shirarkii Adis Ababa Carta , Imbagati ,Ildooreed, iyo kii u dambeeyay ee Jabuuti , shir kaasi Somaliland waxa loogu marti qaaday si madaxbanaan oo la mid ah sida ay uga soo  qayb gal een Dawladaha kale ee Daneeya arimaha ka socda mandaqan Geeska Afrika.

Tallaabadani waxa ay ahayd Fursad qaali ah oo aynu helay si aynu ugu soo bandhigno  qadiyadee na,waxa aynu qabsanay , iyo culayska iyo saamaynta ay inagu hayso qalalasaha ka taagan  Somli ya oo aynu gacan qabasho uga baahanay beesha caalamka sidii aynu isaga moosi lahayn  dhibaa tadooda ,xalna loogu heli lahaa mushkiladooda.

Wasiirka Arimaha dibada Dr Maxamad Cabdilahi oo shirkaa ka qayb galayna wuxuu gudanayay  wa ajibkiisii shaqo ee uu uxilsaaraa ummaduna waaanan ku bogaadinayaa.

Xisbiyada mucaaaraadka ah loogama fidhiyin inay abuuraan xaalado aan jirin oo bulshada lagu  ma jaro habaabinayo, laguna wiiqayo midnimadooda isla markaana lagaga been sheegayo ujeedada ay beesha caalamku ka lahayd qabashada shirkaas .


Xilligan oo Deegaano dalkeena ka mid ah ay ka dhisaalan tahay colaad ay ka huriyeen kooxo  naba diid ah oo cadaw ku ah jiritaanka Somaliland iyo nabad kuwada noolanshaha shacabka reer  Somali anad, ummaduna ay meel uga soo wada jeedo shaqaaqadaas iyo gurmadka abaarta baahsan ee dalka ka jirta. Arimahaas oo ubaahan in lagaga baxo midnimo iyo wadajir.

Xukuumadaydu waxa ay aaminsan tahay kuna hogaamisaa dalka dhaqankii aynu ku soo caano  ma alay ee ahaa wada tashiga sidii aanu shalayba ugu yeedhanay madaxda xisbiyada , madax  dhaq ameedka iyo wax garadka bulshada , mana jirto wufuud caalamka ka timi oo codsatay una socotay inay la kulllanto xisbiyda mucaaraadka oo la iska hortaagay

Ugu dambayn aniga oo ku aamanaya shacabka Somaliland dareenka wanaagsan iyo midnimada ay ku garab taagan yihiin qaranimada iyo dawladnnimadeena waxaan ugu baaqayaa inay ka  feejigna adaan wax kasta oo wadajirkiina wiiqaya.

Midna waa iga xasuusin Xukuumada Somaliland sinaba uga qayb galayso shirarka lagu mijo  xaabi nayo qaranimada Somaliland ninka ku eedeeyaana waa nin isyeelyeelaya dafirsan taariikhda  waxa anse ku kalsoonahay inuu shacbigaygu ogyahay .Xisbiyada qaranka iyo madaxdoodana waxaan usoo jeedinayaa inay bisayl siyaasadeed u yeeeshaan ka midho dhalinta qadiyada Somlalianad iyo sida uu dalkeenu uga heli lahaa aqoonsi buuxa beesha caalamka.

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.