WARSAXAAFADEED XISBIGA UCID

 

Shir deg deg ah oo aay maanta galinkii danbe ay isugu yimaadeen  xubn aha gudida fulinta ee xisbiga cadalada iyo daryeelka UCID waxay kaga  d oodeen oo ay wax iska waydiiyeen xaalada dalku maraayo maanta gaar ahaan komishanka doorashooyinka qarankaSida aynu lawada socona  w axa maalmihii ugu danbeeyay lagu mashquulsanaa sidii loo soo  magacaa bi lahaa komishanka doorashooyinka qaranka ka dib markii ay is casileen xubnihii gudida doorashooyinka ee hore.


Waxay Gudida Fulinta ee Xisbiga UCID dood iyo falanqayn dheer ka dib ay isla qaateen oo ay isku raaceen in uu noqdo xubinta xisbiga ucid uga qayb galaysa gudida doorashooyinka qaranka ee soomaliland in uu  noq do ,ENG,ABDIFATAX IBRAAHIM XASSAN ,in uu noqdo xubinta cusub ee xisbiga ucid uga qayb galaaya gudida doorashooyinka qaranka .


Hadaba xisbiga UCID waxa uu xubintiisan cusub ee kor ku xusan ee uu u magacaabay ka mid noqoshada xubnaha cusub ee gudida  doorashooy inka qaranka ee la filaayo in sida ugu dhakhsaha badan loo soo  magaca abo dhinacyada ay arintani khusayso ,ku xusheen ,aqoontiisa oo ah heer jaamacadeed oo master ah iyo daacadnimo,kartininimo,dhexdhaaxnimo iyo hawsha qaranka ee sugaysa oo uu si xilkasnimo leh uu u gudan karro


Sidaasi daraadeed xisbiga ucid isaga oo eegaaya danta qaranka iyo  wa liba ahmiyada ay leedahay wakhtiga oo cidhiidhi ah oo maalintii kasta ee dib u dhacdaa ay dhibteeda leedahay iyo muran danbe oo macnno darro ah iyo buuq wadankani mar danbe gallo in aanay xagoda xisbi ahaan  aa nay waxba ku hamsaamin magcawga xubinta xisbiga uga qaybgalaysa guddidan doorashooyinka qarran ka .



Wabbilaahi tawfiiq



Xoghayaha warfaafinta iyo saxaafadda ee xisbiga ucid
md.cabdinaasir yuusuf cismaan (qodax)