Warsaxaafadeed Xisbiga KUlmiye

Dastuurka Qaranka JSL wuxuu si
tafatiran oon mugdi ku jirin u tilmaamaya madax banaanida Saxaafadda
(Warbaahinta) Somaliland (Independence of Media) sida uu qeexaayo
Qodobka 32aad, faqradiisa 3aad.
Haddaba xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Joornaalka Maandeeq ee
Xukuumaddu maamusho Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) waxa ka markhaati
furaysa in xukuumadda uu madaxda ka yahay Md. Daahir Riyaale Kaahin
aanay doonaynin saxaafad madax banaan ay ka jirto JSL, Dastuurka
Qarankuna xornimada uu saxaafada u waajibiyey inay yeelato ay
xukuumadu diidan tahay, Wasiirka Warfaafintuna uu yahay ilaalada
Daahir Riyaale u adeegsado ku-xadgudubka cabudhinta saxaafadda,
iyadoo ay horena in badan u dhacday gefaf aad u curfi iyo asluuba
xun, Wasiirka warfaafintu kula kacay suxufiyiin badan iyo shaqaale
wasaaradda ka tirsan, haddii loo baahdana la tixi doono.
Arrinta ugu weyn ee sida qotoda dheer u daah furaysay ujeedada
Xukuumada Daahir Riyaale Kaahin ay ku raad -goobeysey in Saxaafadda
Somaliland noqoto mid aan madax banaaneyn ay ahayd xeerkii la yaabka
ahaa ee Wasiirka warfaafintu u soo gudbiyey Golaha Wakiillada,
Goluhuna uu joojiyey xeerka ka soo jeeda fikiradihii Saxaafadda
kelitalisyadii iyo nidaamyadii shuuciyadda ee haligmey dabayaaqadii
qarnigii labaatanaad, qarnigan cusub ee kow iyo labaatanaad ee loogu
wanqalay dimuqraadiyadda, xoriyatal qawlka iyo madax banaanida
Saxaafadda.
Waxa muddan in la xusuusto arrinta saxaafadda in muddo dheer ay
jirtay muran Xukuumadda, Xisbiyada Mucaaradka ah iyo aqoonyahanka
Dalka, taasoo ah madax banaanida Saxaafadda, haddaba xil ka qaadista
Guddoomiyaha Wargayska Maandeeq, waxa ay markhaati furaysa in
Xukuumadda Daahir Riyaale ay si buuxda uga soo horjeedo madax
banaanida Saxaafadda, taasoo ah waajib Dastuuri ah.
Waxa la yaab ah, sababta lagu eryey Mustafe Shiine, ay tahay
Afhayeenka Madaxtooyada ayuu wax ka sheegay, haddaba maxay tahay
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sameeyey:-
Guddoomiyaha Urur Saxaafadeedka SOLJA, ahna Guddoomiyaha Maandeeq,
Afhayeenka Madaxtooyada uu ku naqdiyey falkii foosha xumaa,
dhaqankeenana curfiga ku ahaa, kaasoo uu ku fara saaray madal Gabadh
Suxufiyad ah Muuna Casayr, goobtaasna uu fadhiyey Madaxweynuhu.
Guntii iyo gebagebadii ku-xad-gudubka Saxaafadda ee Xukuumaddu
caadaysatay waa burbur Dastuurka Qaranka ah, sidaas darteed, waa in
Guddiga arrimaha bulshada ee Saxaafadda qaabilsan ay Wasiirka
warfaafinta talaabo ka qaado (Malaha Madaxweynuhu curfiyadaa wuu la
ogolyahay). Sidoo kale ururada saxaafaduna waa in ay kulan isugu
yimaadaan, arrintaana talaabo ka qaadaan.
Wa Billaahi Tawfiiq
Md. C/raxman C/qaadir Faarax
Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye
|