UJEEDDO : WAR SAXAAFADEED


Aasaaska, nuxurka iyo Tiir-dhexaadka dimuqraadiyadu waa doorasho Xor iyo Xalaal ah. nidaamka iyo qaab dhismeedka dawladeed JSL, waxaa si cad u xadidaaya Distoorka Qaranka JSL, kaasoo u kala qaybinaaya saddex hay’adood oo kala madax-banaan, isu dheelitiran, isna miisaamaya (Check and Balance). Awoodahoooda dawladeedna kala xadaysanyihiin (Separation of power).

Distoorka JSL Wuxuu si buuxada u waajibinaya in hay’adaha madaxtooyada (Madaxweynaha iyo mMdaxweyne ku xigeenka) iyo golaha shari-dejintu (Parliament) ay ku imanayaan doorasho. isla marahaan taasna wuxuu distoorku xaddidaya muddada ay xilka u igmanyihiin ay tahay mudo 5(shan) sanadood ah, sida ku cad Qodobka 42aad faqradiisa 1aad iyo Q-88aad.

Sidaas darteed hanaanka iyo isbedelka nidaamka dimuqraadiyadeed in uu ku yimaado qaab ku qotoma doorasho XOR IYO XALAAL AH, waafaqasanna Qodobada distoorka kor ku xusan.

Waxaa xusuus mudan in doorashooyinku macnoleeyihiin oo keliya marka ay wakhtigooda distoorka cayimay ay ku qabsoomaan.

Labada xisbi Qaran UCID iyo KUMIYE oo maalmahan isugu yimi kulmo isdabajooga oo ay kaga wada-tashanayeen, kuna qiimeynayeen xaaladda murugsan ee siyaasadeed u dalku marayo. Dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay isla Go’aansadeen qodobada hoos ku qaran
1. In labada xisbi qaran UCID iyo kulmiye diyaar u yihiin ka qaybgalka dorashada madaxtooyada ee dhicitoonta 2009.
2. labada xisbi Qaran UCID iyo KUMIYE waxaa ujeeddooyinkooda siyaasadeed saldhig iyo bartilmaateed u ah Adkaynta , xoojinta, ilaalinta nabadgelyada iyo degenaanshaha Qaranka.
3. labada xisbi Qaran UCID iyo KUMIYE waxay aaminsanyihiin in ay xuquuq distooriya tahay in ay abaabulaan kulamo, shiraar, banana-baxyo, Kuna qabtaan fagaarayaasha Qaranka, xarumahooda iyo hudheelada, sida ku cad Qodobada distoorka ee kala ah Q. 9aad, 31aad, 32aad, 33aad, 34aad, 35aad, 36aad iyo xeerka axsaabta law No. 14

Sidaasi darteed, waxaan si toos ah gef ugu ah distoorka Qaranka curfiyada siyaasadeed ee ay xukuumaddu caadaysatay kuna dedefeynayso xuquuqda xisbiyada Qaranka iyagoo si u kaas ah ugu xadgudbaya una jabinaya qodobada distoorka kor ku xusan ayana ugu dambaysay wareegtadii W/A/Gudaha ee 14/April/2009.

4. labada xisbi Qaran UCID iyo KUMIYE waxay xuskuumadda ku cambaaraynayaan falalka nabadgelyo darrida abuuraya ee ay kula kacday labada xisbi Qaran kuwaasoo ah:


 Falkii mas’uulka booliska degmada Tg-wajaale Gudoomiyha Xisbiga UCID Eng, Faysal cali Waraabe ku yidhi waan ku tooganayaa, saxaafadii la socoteyna ku hadidey, kamaradiina ka burburiyey, isaga oo gacanta kaga dhigay cajaladii welina ay ku maqantahay.


 Falkii guddoomiyha xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxmed Siilaanyo, hogaanka iyo taageerayaasha sida sharci darada ah rasaasta loogu ridey.
 Falkii weerarka ahaa ee xafiiska gobolka togdheer ee Burco xafiiska xisbiga KULMIYE ugu soo qaadeen ciidamadu dhaawacna ku gaadhay xubno saxaafadda ka tirsan iyo muwaadiniin kale, qalabkii saxaafadana la burburiyey.


 Guddoomiyhii gobolka M/Jeex ee xibgia UCID ee sida sharci darada ah boolisku u f

arasaareen, garaaceen magaalada hargeysa, dhibaatana ugu geysteen.
 Falkii lagu xidhxidhay mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil ee xibiga Kulmiye
 Falkii xabada lagu dhex ridey xafadii xisbiga KULMIYE ee lagu qabtey xarunta dhexe ee xisbiga dembiilhii xabada rideyna si sharci daro ah loo sii daayey.


 Waxa kaloo labada xisbi Qaran UCID iyo KUMIYE cambaareenayaan falalka cayda iyo aflagaadada ah ee warbaahinta xukuumaddu habeen walba ka baahihso radio hargeysa iyo TV-Qaranka .


 Ku xadgudbka iyo xardhiga sharci darada ah ee sida joogtada ah sida joogtada ah ugu fuliso saxaafada madaxa banaan.

5. Iyadoo isha lagu hayo hawsha server-ka waxa waajib ku ah hay’adda interpeace iyo komishinka in laga helo waqti cayiman oo ay ku soo saarayaso liiska kama danbaysta ah oo dhemeystiran (Final list).


6. labada xisbi Qaran ee UCID iyo KUMIYE waxay Aaminsanyihiin in muddada xukumadda ku egtahay 5-ta may 2009, haddaba si looga baxo khilaafaadka siyaasadeed, xalna loogu helo dhibta hadda taagan, waxay soo jeedinayaan in kulen iyo wadatashi laysugu yimaado inta ka horeysa 5-ta may 2009.


Alla Mahad Leh






Md Xasan Xuseen Maxamed Codyare
       Maxamed Kaahin Axmed
Afhayeenka Xisbiga UCID                         Afhayeenka Xisbiga KULMIYE