SHIRKADDA DAHABSHIIL OO LA GUDDOONSIIYEY ABAALMARINTA 4O SANNADOOD OO ADEEG BULSHO OO HUFAN AH
 

 


 

Shirkadda Dahabshiil, oo ah hormuudka shirkadaha lacagaha u xawilla Geeska Afrika ee London ku yaalla, ayuu Duqa (Mayor) Tower Hamlets guddoonsiiyey abaalmarinta Ka-Dhex Muuqashada  Sarr aysa ee Bulshada (Award for Excellence in the Community)

Abaalmarinta Shirkadda, oo uu guddoonsiiyey Duqa Tower Hamlets (London), Councilor Ahmed Adan Omar, waxay aqoonsi u tahay adeegga aadka u hufan ee shirkadda Dahabshiil u hurtay bulshada Soomaalida ah gudo iyo dibedba afartankii sannadood ee u dambeeyey.

“Waxan aad ugu diirsanayaa inaan shirkadda Dahabshiil guddoonsiiyo manta Abaalmarinta Duqa Tower Hamlets oo ay ku mutaysatay sida waxtarkeedu uga dhex muuqday bulshada ay u adeegto shirkaddu,” ayuu yidhi Duqu, Councilor Ahmed Adam Omer.

“Shirkadda Dahabshiil waxay tusaale looga dayan karo tahay sida la isugu wadi karo ganacsi iyo adeeg bulsho, iyada oo waxtar muuqda ku celineysa macaamiisheeda, deegaanka iyo hawlwadeenkeedaba,” ayuu yidhi Duqu.

“Shirkadda Dahabshiil waxay tiir-dhexaad u ahayd bulshadeenna tobanaankii sannadood ee inna soo dhaafay; waana wax lagu diirsadaa in aad aragto shirkad Afrikaan ah oo sida Dahabshiil isu tara oo u hanaqaada, iyada oo uu saamayn togan ku yeeshay dhammaanba waddankan iyo adduunweynaha kale (ee adeegga shirkaddu gaadhoba),” ayuu ku daray Duqa magaaladu.

Shirkadda Dahabshiil, oo 200 oo xafiis/goobood ku leh waddanka UK oo keli ah, iyada oo adduunweynaha kale ay ku leedahay ama kala xidhiidho ilaa 24 000 oo wakiil oo ku kala baahsan ilaa 144 dal, waxay ku celisaa ugu yaraan 5% faa’iidada ka soo gasha bulshada si loogu abuuro mashaariic horumarineed oo wax-ku-ool ah ayna ka mid yihiin kuwa waxbarashada, cusbataallada, beeraha, fayadhawrka, iwm.

Waddanka UK , tusaale ahaan, waxa shirkaddu maalgelisaa Toddobaadka Soomaalida (Somali Festival Week) oo bulshada Soomaalidus isku dhex gasho iyada oo dhaqankeeda iyo afka horumaruintiisa lagu soo bandhigo. Sidaa oo kale waxay shirkaddu taageertaa Ururka Dhallinyarada ee Ciyaartoyga oo horumarinta ciyaaraha iyo tartannada la xidhiidha bulshada UK iyo tan Yurub degganba u qabanqaabiya.

Cabdirashiid Maxamed Siciid, Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil oo abaalmarinta ka hadlay, waxa uu ka yidhi: “Sharaf ayay noo tahay inaanu guddoonno Abaalmarinta Duqa Tower Hamlets ee aqoonsiga u ah adeegga aadka u sarreeya ee shirkaddu bulshada u hayso, oo muujinaya sida ay shirkadda uga go’an tahay sii-adkaynta ammaanada bulshada loo hayo iyo u-dhego-nuglaanta danahooda iyo mas’uuliyadda naga saran bulshada.”


”Aad ayaannu ugu faraxsannahay inaanu falsafad ahaan muwaadin caalami ah noqonno, heer caalamina ku shaqaynno, waxannuna mar walba hiyiga iyo maanka ku haynaa sidii aannu u sii hurumarin lahayn adeegyada aannu bixinno, kuwo cusub oo bulshada waxtar u lehna u unki oo ugu soo bandhigi layan,” ayuu yidhi CEO Abdirashid.

Xafladda Abaalmarinta, oo lagu qabtay Xarunta Tower Hamlets, London, UK, waxa ka qayb galay Duqa Deegaanka, Councilor Ahmed Adam Omer, Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Duale, iyo saraakiil kale oo ka tirsan shirkadda.

Shirkadda Dahabshiil waxa ka hawl gala in kabad 2000 oo shaqaale ah, waxayna door weyn ka qaadataa isu-gudbinta lacagaha ee hay’adaha Caalamiga ahi ku agaasimaan mashaariicda horumarineed.
In ka badan 95% hay’adaha caalamiga ah, ee ay ka midka yihiin, kuwa Qaramada Midoobey, sida World Health Organization, World Bank, Oxfam, Save the Children Alliance, waxay u adeegsadaan shirkadda Dahabshiil si adeeg hufan loogu fidiyo hawlwadeenkooda iyo barnaamijyadoodaba, guud ahaan.


“Xawilaadda lacaguhu waxay in badan oo qoysaska Soomaalida ka mid ah u tahay tan lagu tiirsan yihiin ee nolol-maalmeedka laga helo taas oo xubnaha qoysaskooda iyo saaxiibbadooda dibedaha ku nooli si joogto ah lacago ugu soo xawilaan,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Duale.
 


 



 

DAHABSHIIL RECEIVES MAYOR’S AWARD FOR
40YEARS EXCELLENCE IN THE COMMUNITY



Dahabshiil, the UK’s leading money transfer provider to the Horn of Africa, has received the Mayor of Tower Hamlets Award for excellence in the community.

The award, presented by the Mayor of Tower Hamlets, Councilor Ahmed Adam Omer, recognises Dahabshiil’s dedication and outstanding contribution to the local, national and international Somali community over the last 40 years.

Councillor Ahmed Adam Omer said: “I’m delighted to present Dahabshiil with the Mayor of Tower Hamlets Award for excellence in the community.

“Dahabshiil is a fantastic example of how businesses can integrate responsible business practices into mainstream operations, while benefiting its customers, the environment and its employees.

“Dahabshiil has been a pillar of our community for more than two decades and it’s great to see an African business thriving and having such a huge impact throughout the UK and internationally.”

Dahabshiil, which has 200 locations in the UK and an expanding network of more than 24,000 agents and branches in 144 countries worldwide, is committed to supporting the Somali community around the world and invests more than 5% of its annual profits into community regeneration projects involving the development of schools, hospitals, agriculture and sanitation.

In the UK, Dahabshiil sponsors a range of events, including the Somali Week Festival, where it helps to promote understanding and integration through Somali art and culture, and the Somali Youth Sports Association, which promotes sportsmanship and competition among players within the UK and in Europe.

Abdirashid Duale, CEO of Dahabshiil, said: “We are honoured to receive the Mayor of Tower Hamlets Award for excellence and it underlines our commitment to trust and community responsibility.

“We are extremely proud of our corporate citizenship philosophy and will continue to work on improving our initatives and develop new ones.”

The award ceremony, held on Monday 12 April at Dahabshiil’s UK headquarters in Tower Hamlets, was attended by Mayor Ahmed Adam Omer, Dahabshiil CEO Abdirashid Duale and members of Dahabshiil’s staff.

Dahabshiil employs more than 2,000 people across 144 countries and has provided money transfer and cash facilitation for international aid agencies.
Over 95% of the International Organisations in Somalia, including the United Nations, World Health Organisation, World Bank, Oxfam and Save the Children, rely on Dahabshiil to provide payment services for their staff, contractors, government institutions and partner NGOs.

Abdirashid Duale added: “Transferring remittances is a lifeline for many people in the developing world whose friends or family live abroad and regularly send money home.”