Warsaxaafadeed
Press release )

Ujeedo :- Dagaalkii ka dhacayXariirad 03 Mar 2013 iyo arimo kale oo
muhiim ah.
Xisbiga UCID wuxuu si weyn uga walaacsan yahay arinta Saylac,oo
runtii in mudo ahba so o jiitamaysay.Xisbiga UCID wuxuu kaloo si weyn
uga naxayshilka ka dhacay 05 Mar 2013 degaanka Xariirad oo ka tirsan
Gobolka Salal,ee Somaliland oo sababay dhimasho aad loo ga naxo.
Haddaba Xisbiga UCID ,isagoo dareen weyn ka qaba xaalada cakiran ee
hore uga taagney d Gobolka Salal iyo xaalada ka soo cusboonaatay
maalmihii ugu dambeeyeyba ,waxaanu s oo jeedinaynaa qodobadan :-
Xisbiga UCID wuxuu qabaa in maamul xumada Xukuumada xilka haysaa ay
masuulka buuxa ka tahay dhibka Saylac ,kana soo bilowday nimaad
xumadii Doorashooyinkii, iyo arimaha Deeganka Saylac oo laga
leexiyey nimaadka Dastuuriga ah ee Doorashooyinka,lagana dhigay
nidaam beeleed.
Waxaa cid waliba ka dheregsan tahay in guud ahaan reer Somaliland ay
ku soo nabad iyo caano maaleen,nabada iyo horumarka ay maanta
haystaana ay ku gaadheen ,wada hada lka,isdhegaysiga,isu tanaasulka
iyo is qaderinta. Sidaa daraadeed waxaanu shacabka wal aalaha ah ku
boorinaynaa dhabar adayg iyo in ay dhowraan wada noolaanshahooda.
Xisbiga UCID wuxuu qabaa in aanay dadka wada degan Gobolka Salal wax
dhib ahi ka dhax ayn,wixii tabasho ahna shacabka walaalaha ahi ay si
fudud u dhamaysan karaan.
Wax garadka,Madaxdhaqameedka guud ahaan reer Somaliland,gaar ahaan
Beelahaa wada degan Gobolka Salal waxaanu ka codsanaynaa in ay si
wada jir ah loogu gurmado,sidii nab ad iyo deganaansho loogu soo
dabaali lahaa muranka ka taagan Gobolka Salal.Waxaa hab oon in
Maskaxda la adeegsado,ee aan qoriga la adeegsan.
Ugu Dambayntii haddii aanu nahay Xisbiga UCID waxaanu Xukuumada ugu
baaqaynaa in a y si deg deg ah u mudayso Shir wada tashi Qaran
ah,kaas oo lagaga wada tashanayo ari maha adag ee dhicyada
Dibloomaasiyada,nabadgelyada iyo Dastuurka,ee maanta dalka soo
wajahay.
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com
|