Warsaxaafadeed ku saabsan xuska 18-ka May

 

Shir balaadhan oo uu soo qaban qaabiyay urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community, oo lagaga hadlayay xuska 18-ka May iyo sidii maalintan taariikhiga ah loogusoo celin lahaa qadarintay umada reer Somaliland ka mudan tahay ayaa habeenkii Sabtida ee bishan March 7-da ahayd lagu qabtay Restaurant Venus oo ku yaala xaafada Shepherds Bush ee galbeedka magaalada London.


Shirkan waxa kasoo qayb galay ururada reer Somaliland ee ka jira magaalada London iyo qaar ka mid ah fanaaniinta reer Somaliland ee dagan London kana midka yihiin Maxamuud Ismacil (Xudaydi), Sir Maxamuud Cumar (walaalaha Sweden) iyo Faysal Yusuf Cilmi (Faysal Yare).


Ka dib markii muddo laga dooday sida xuska 18-ka May u marin habaabay ee uu u noqday xaflad lagu jimicsado isla markaana dhaqaalaha loo uruuriyo mashaariicda samafalku udub-dhaxaad ugu noqdeen, fikradahana la iska waydarsaday ayaa waxa la isku raacay in sanadkan 2009-ka urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community qaban-qaabiyo xuska 18-ka May. Waxa kaloo la isku raacay in xafaladu noqoto mid aan ka dambayn 12-ka habeenimo, waxaana la go’aamiyay oo halkii lagu sameeyay guddi loogu yeedhay gudida 18-ka May (18 May committee) oo dadwaynaha reer Somaliland ee dagan magaaladan London uga wakiil noqon doonta xuska maalintan taariikhiga ah. Laga bilaabo sanadkan 2010-ka qabanqaabada xuska 18-ka May waxa umada reer Somaliland uga masuul noqonaya oo ciddii rabta innay samayso ay waydiisan doontaa gudida 18-ka May, mar walbana gudidu waxay ku salayn doonta go’aamadeeda ku wajahan cidda loo xilsaarayo qaban qaabada maalintan qiimaha inaga mudan, caadada reer Somaliland ku caana maaleen ee wada tashiga, isqancinta iyo isu tanaasulka leh. Ururada reer Somaliland waxay isku raaceen in dhismaha gudidani wax wayn ka tari doonoo soo celinta maamuska iyo miisaanka maalintani inaga mudantahay, kana hortagi doono tafaraaruqa iyo munaasibadaha badan ee magaca 18-ka May lagu sameeyo.


Sanad walba gudida 18-ka May waxay faafin doonta muddo ka hor cidda ay u xil saareen qaban qaabada 18-ka May. Haddii ay dhacdo in ururo soo waydiisan waayaan qaban qaabada maalintan, waxay gudidu u xilsaari doonta ururka ay u arkaan innuu kasoo baxayo wakhtina u haya.


Gudidu shirkooda ugu horeeya ee ay iskugu yimaadaan ayeey ku dajin doonaan hab maamuulka iyo shuuruudaha (guidelines and criteria) looga baahanyahay cidda qaban qaabinaysa xuska 18-ka May. Gudidu waxay noqon doontaa mid sanad walba, xaflada 18-ka May dabadeed, la cusboonaysiiyo oo amma kuwa cusub la doorto amma kuwii hore loo cusboonaysiiyo xilkey hayeen.


Dhinaca fanaaniinta waxa gudida ka mid ah fanaanka wayn ee caanka ah Maxamud Ismacil (Xudaydi), Nimco Mohamed Abdi (Nimco Dagan), Sir Mahamoud Cumar (walaalaha Sweden) iyo Faysal Yusuf Cilmi (Faysal yare). Xubnaha kalee gudidan ka mid ahi waxay ka kala socdaan ururada kala ah: Somaliland Women Group, Somaliland Society UK, British Somalilanders United Group, Daryeel Foundation, urur dhaqameedka Keyd iyo West London Somaliland Community.


Ugu dambayn, waxay gudida 18-ka May iyo urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community ogaysiinayaan umada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London in sanadkan munaasibada xuska la qaban doono bisha May 16-keeda oo maalin Sabti ah, meesha lagu qabanayana si dhakhsa ah ayaanu idinkusoo sheegi doona haddii ilaahay yidhahdo.


Wa bilaahi tawfiiq.


Ururada warsaxaafadeedkan soo saaray waxay kala yihiin:




Somaliland Society UK

Somaliland Society in Europe

British Somalilanders United Group

TAF

Daryeel Foundation

Nomad International

Somaliland Women Group

Urur dhaqameedka Keyd

SIRAG

Somaliland Overseas UK

Somaliland Society in Europe

West London Somaliland Community



Wixi faaf-faahin ah waxaad kala xidhiidhi kartaa dadka kala ah:




Maxamud Ismacil (Xudaydi): 07958563550

Abdi Ali Mahdi (Somaliland Society UK): 07947951689

Amina Siciid (Somaliland Women Group): 07838101461

Iid Xasan Aw Muuse (West London Somaliland Community): 0208 848 1180



Amma waxaad email u dirtaa UK’s Somaliland Organisations Network: ukson@googlegroups.com