War Saxaafadeed

 

 

 

Taariikh: April 19, 2011



Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu   Hogaaminaa yo oo weli ku jira Bookhashada ay ku joogaan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kuna Sugan Magaalo Madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu-Dabai ayaa weli waxay ku jiraan kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Kala Duwan ee wadankaa ka taliya.

Madaxweynaha oo Xooga Saaray in ay Somaliland wadanka Imaaraadka Carabta iska Kaashadaan Dhinaca Dhaqaalaha Isla markaana ay Ganacsatada waa weyn iyo Shirkadaha wadanka ku sugan Maal-gelin ka sameeyaan Wadanka Somaliland sidoo kalena madaxweynaha oo ku dedaalaya inay Is-Afgarad ka gaadhaan Madaxda wadanka Imaaraadka Carabta si ay gacan uga Gaystaan  Dhina ca Mashariicda Horumarineed, ee Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada ayaa Shalay  (18/04/2011) waxa uu Qado Sharaf Gurigiisa ugu Sameeyey Wasiirka Madaxtooyada ee Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta SHEEKH MANSUUR BIN ZAYID‏ waxaanu Madaxweynuhu uga Waram ay Baahida ay Somaliland u qabto in ay lagu gargaaro Dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.

waxa kale oo uu u sheegay Madaxweynuhu sida ay Somaliland ugu Guulaysatay in ay noqoto  laam bad ka Iftiimaysa Mandaqada ay ku taalo, Marka la eego Dhinaca Nabad-gelyada iyo dhinaca Uhuu nta ay shacbiga Somaliland la yimaadeen sidii ay u noqon lahaayeen qaran jira.Waxaanu Sheegay madaxweynaha Somaliland in ay Taariikh ahaan Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Soma liland weligoodba lahaayeen Xidhiidh soo Jireen ah.

Wasiirka Madaxtooyada ee Wadanka Imaaraadka Carabta SHEEKH MANSUUR BIN ZAYID ayaa  isag una waxa uu ka waramay sida uu uga war hayo in ay Somaliland tahay meesha Keliya ee Caan ah wadankii laysku odhan jiray Somaliya u qalantana in ay Ganacsatadu Maal-gashi ku sameeyaan, w axa uu sheegay in ay kawar-hayaan Somaliland Nabad-gelyada taala iyo kala Danbaynta ka jirta.
Waxa uu sheegay in uu ogyahay in ay Somaliland ka jirto Jamhuuriyad ku guulaysatay inay  Somal iland soo gaadhsiiso xasilooni, Dawladnimo iyo Kala Danbayn.

Sidaa si la mida waxa Caawa (19/04/2011) Madaxweynaha iyo Weftigiisa Casuumad ugu  Samee yey Magaalada Abu-Dabai Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha oo horena u ahaa Taliyihii Ciidamada ee Wadanka Al-baxaari AL-Daahiri oo ay Wehelinayeen Cali Bin Axmed AL-Daahiri oo ah Xog-hay aha Deekh Khayb Bin Faaid AALA Nahyaan oo ah Amiirka Wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Axmed Saiid Al-faaid Al-Daahiri oo ah Ganacsade wayn.

waxa kale oo Cashada Madaxweynaha loo sameyey ku wehelinaayey Suldaan Siciid Al-faaid Al-daahiri oo ah Kaaliyaha Wasiirka Cadaalada ee Imaaraadka Carabta.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Masuuliyiinta kala Duwan ee ka Talisa Dalka Isu-tagga  Imaar aadka Carabta kala hadlay siduu uu Madaxdii ka horaysayba u sheegay in ay Somaliland Baahi  wa yn u qabto in wax lagala Qabto Dhinaca Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, We ftiga Madaxweynaha oo weli ku Guda Jira kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Wadamada isu-ta gga Imaaraadka Carabta waxa ay Maalinta beri ah la kulmayaan Madaxda Imaarada Raasul Kha yba ,markaa ka dibna waxa ay la kulmayaan kuwa Imaarada Kuwait ka dibna waxa sugaya oo Diya ar u ah Madaxweynaha iyo Weftigiisa inay kulan la yeeshaan Amiirka ka Taliya Wadanka Imaaraad ka Carabta.

Kulamadaa kala Duwan ka dib marka uu madaxweynaha iyo Weftigiisu dhamaystaan waxay u sii Gudbayaan Wadanka Kuwait, Bookhashada uu Madaxweynuhu wadanka Imaaraadka ku joogo oo ay Xukuumadu u aragto inay Muhiimad wayn u leedahay Somaliland ayaana Sababtay in uu  mada xweynuhu Doorbido kulamo kala duwan oo uu la yeesho Amiirada Imaaradaha Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Ganacsatada Waa wayn, Shirkadaha si ay Dhamaantood Mid walba inta uu Danaynayo Ganac uu ka gaysto dhismaha Qaranka Somaliland iyo Baahiyihiisa kala Duwan ee uu qabo

 


ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL