Warsaxaafadeed

 



Date:January 9,2011


Hargaysa(TNN)-Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) w axa uu maanta Go'aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale ka dhacday, waxaanu  Madaxweyn uhu Go,aankaa ku yidhi.


Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo Somaliland ah u dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii janno ayaan uga baryayaa, Ehaladoodii iyo dhamaan Qaranka Somaliland waan uga tacsiyadaynay aa.

Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku haboonayd, isla mar kiiba waxaanu kala dhex dhignay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL si ay u kala caabiy aan Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.

Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa ee ka garsooray ar rintan.

Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabad gelyadu Qarankan u leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.

Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee isaaran waxaan go'aamiy ay: -

1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga b ilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqi karaan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.

2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood wax aa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.

3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iy o Hagoogane iyadoo aan laga ogolaan doonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya oo ka hawlgeli kara ciidamada Qaranka JSL.

5. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed u soo jeedinayaa beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.

Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: -

Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,

Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga garqaaday mashaqadii dh exmartay labada beelood,

Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay.

 



ALLAA MAHAD LEH

Xirsi Cali X. Xasan

Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL