War-saxaafadeed
 

 



Hargeysa February 2nd,20111(TNN)-Sida ku cad war-murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shir doceed ay Madaxda wadamada IGAD ku yeesheen madashii uu ka socday shirkii madaxda Midowga Afrika ee dhawaan lagu soo gunaanaday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa  muuq ata in waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay ka welwelsan yihiin wixii laga yeeli  lah aa maamulka Soomaliya ee TFG da oo wakhtigiisii dhammaad ku dhawyahay. Xukuumadda  somalila nd waxay taageersan tahay dadaalka ay bulshada caalamku ugu jirto sidii nabadda iyo ammaanka  loo gu soo celin lahaa Soomaliya oo xasilooni darada ka jirtaa ay saamayn ku leedahay  nabad  gal yada Somaliland iyo wadamada kale ee gobolka ku yaalaba.



Haseyeeshee shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya ee lagu  wada hadashiinaayo kooxaha Siyaasadda ee Soomaliya ama layskugu dayayo in xukkun wadaag ah  loo gu dhiso ma aha arrin khusaysa Jamhuuriyadda Somaliland ee waa wax ku kooban Soomaliya.



Soomaliland waa Qaran madax banaan oo lagu hogaamiyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan habka dimuqraadiyadda doorashooyinka tooska ah iyo xisbiyada badan, oo dunida ka sugaya aqoonsi siy aasadeed.

 

 



Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga


Jamhuuriyadda Somaliland.