Warsaxaafadeed
 


Hargeysa Isniin, 24 May 2010(TNN)- Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta soo saaray Warsaxafadeed kooban oo loo qaybiyey Warbaahinta, kaasoo ku saabsanaa dadka ku xukuman fal dambiyeedka Argagixisadda ee haatan ku xidhan Jeelasha Somaliland.


Nuxurka Warsaxafadeedkaasi xambaarsanyahay waa sida hoos ku qoran:-


Socdaalkaygii ugu danbeeyey ee aan ku tagay qaaradda Europe waxaa culays la igu saaray in aan sii daayo dadka ku xukuman falalka argagixisanimadda ee hada ku jira jeelasha Somaliland.


Waxaan aad ugu kalsoonahay uguna hanweynahay in cadaalada Somaliland ay tahay mid aan u nuglayn in faragelin dibadeed lagu sameeyo mana jiraan wax nagu khasbaaya in aanu jeelasha ka siidayno dadka ku kacay danbiyada argagixisinimada lana xukumay, kuwaas oo isku dayey in ay ugaystaan Shacbiga Somaliland weeraro argagaxisinima ah”.





Aafhayeenka Madaxtooyada,
Mudane,Siciid Cadaani Mooge