WAR-SAXAAFADEED

Jaamacadda Geeska oo ku guulaysatay Tartan Aqooneedka ‘Bisha Ramadaan’ ee Telesom

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Jaamacadda Geeska ayaa ku guuleysatay tartan aqooneed ay ku tartamayeen Jaamacadaha Caasimadda Hargeysa. Tartan aqooneedkan oo loogu magac daray “Tartan-aqooneedka Bisha Ramadaan” waxa uu socday 1 – 9kii September 2009, waxana soo qabanqaabisay Shirkadda  Isgaa dhsiinta ee Telesom.

Tartankan ayaa waxa ka qayb-galay Jaamacadaha Al Niilayn, Geeska  (Internat ional Horn University), Admas, Golis iyo Jaamacadda Hope.

Jaamacadda Geeska ayaa guulo fiican ka gaadhay tartamadii ay galeen, oo ka koo bnaa aqoonta jaamacadaha lagu barto iyo aqoon guud oo ay ku jiraan dhaqanka Soomaaliga, Suugaanta iyo Diinta.

Muuse Maxamed Diiriye, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda IHU, ahna  ma daxa waaxda Maamulka, waxa uu sheegay in ay filayeen in ay guushan gaadhaan. “Waanu filaynay guushan, sababta oo ah waan ognahay in waxa ugu wayn ee lagu janto Jaamacadda Geeska ay tahay TAYO, Annaga maamul ahaan waxa aanu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulnay sidii aan u soo saari lahay arday dhinac walba ka dhisan, sida; takhasuska uu dhiganayo, luqadaha English iyo Arabic, iyo ashaxa suuban.”.

Jaamacadda IHU waxa la aas-aasay sannadkii June, 2004, waxana ay ka kooban tahay Kuliyada Dhaqaalaha iyo Maamulka (Economy and Management Science), Kuliyada cilmiga Qur’aanka (Quran Science), Kuliyada cilmiga Kumbuyuutarka  (Com puter Science), Kuliyada Sharciga iyo Shareecadda (Sharia & Law).

Waxa kale oo ay Jaamacaddu leedahay xarunta daraasaadka shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda (Masters Degree), oo ku xidhan Jaamacadda Malaysia Open University. Waxyaabaha lagu bartona waxa ka mid ah Maamulka Mashaariicda (project management), Cilmiga Maamulka Shaqaalaha (Human resource  managem ent), Suuqgeynta (Marketing), Ganacsiga (Entrepreneurship), Maaliyadda  Islaam iga ah (Islamic Finance), Maamulka Guud (General Management) iyo  teknoolaji yadda (Information Communication Technology).

Mr. Muuse, oo ka hadlay waxyaabaha Jaamacadda IHU ay kaga duwan tahay  jaam acadaha kale, waxa uu sheegay in ay xidhiidh adag la leeyihiin jaamacado caalami ah, sida Malaysia, UK, Sudan, Bariga Afrika, Wadamada Carabta iyo kuwo kale. Waxa kale oo uu sheegay in ay tahay Jaamacaddii ugu horreysay ee deeq  waxbar asho ugu yaboohda bulshoweynta, isla markaana waxa ay ardaydu wax ku  barta an luqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga.

Su’aalaha tartanka Jaamacadaha ayaa waxa diyaariyay guddi madax bannaan oo shirkadda Telesom u xushay in ay soo diyaariyaan, waxana ka mid ahaa: Sh. Ciise Maxamuud oo diyaarinayay dhammaan su’aalaha diiniga ah, Prof. Cabdi Cali oo  isa guna diyaarinayay su’aalaha accounting iyo Economics-ka (Dhaqaalaha iyo  xisaab aadka), Xasan Cabdi Madar oo isaguna mas’uul ka ahaa su’aalaha Suugaanta iyo Dhaqanka, Cabdale Siciid iyo Mustafe Aadan oo iyugana ka mid ahaa mas’uuliyiinta ay Telesom u xilsaartay diyaarinta su’aalaha.

Muddadii uu tartanku socday waxa dhacay saddex wareeg, wareega 1aad oo  dha mmaan ay jaamacaduhu is wada arkeen, wareega 2aad oo hal jaamacad ay  hadh ay, afartii soo hadhayna laba laba ay isku arkeen iyo wareega 3aad oo labadii  jaa macadood ee isku soo hadhay ay tartameen, labadaas jaamacadoodna waxa ay kala ahaayeen International Horn University iyo Admas, halkaasna waxa ay  guu shu u raacday IHU.

Jaamacadda IHU waxa ay muujisay karti iyo aqoon intii uu tartanku socday. IHU  w axay dhibco sarre ku guuleysanayeen dhammaan tartamadii ay ka qayb-galeen marka laga reebo hal tartan, mararka qaarkoodna dhammaan su’aalaha la  wayd iiyo way ka wada jawaabayeen.

Tartankan ayaa waxa laga daawan jiray telefishanada qaranka iyo HCTV. Jaamacad walbana waxa ka socday 5 qof oo tartamayaal ah, inkasta oo 3 ka mid ahi ay tartamayeen, halka 2 kale ay tageerayaal ka ahaayeen.
 


Mustafe Abdikarin Ali
(Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland