WAR-SAXAAFADEED
Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo xukumada waxaa ka baxay
dhinacii xukumada.
Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku
jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa ururka xaqsoor ku
dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu geli lahaa
tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukuumada. Iyada
aan ay xukuumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday
Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor iyaga oon
magacaabistooda waxba ka waydiin hogaa nkii ururka.
Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo
ku galay wada ha daladaas. Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada
ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano.
Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad
iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate
ah. Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn
wadahadalada. Imika xukuma du talaaabadan, magacaabida waxay ku
cadaysay inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka
xaqsoor.
Waxaanu halkan ku cadaynaynaa mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga
lexejeclo badnayn Som aliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan
ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka
iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.
Gudoomiyaha ururka Xaqsoor
Xasan Ciise Jaamac
|