War-saxaafadeed
 

Fadhigii Golaha Wasiirada ee Maanta lagu qabtay xarunta Madax tooyada ,waxa la isku raacay xeer ku saabsan qaabka ay u dhaq mayaan ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland ka hawl gala.



Fadhigaasi oo uu gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , waxa si qoto dheer ugu dooday una qaadaa dhigay xeerka loo dajiyay ururada aan dawliga ahayn (Kuwa Wadaniga ah iyo Kuwa Caalamiga ahba).


Xeerkaasi oo ay isku soo duba riday Wasaarada Qorshaynta ee Somaliland waxa uu ka kooban yahay 8 qaybood iyo 37 qodob oo si cad u qeexaya maamulka iyo isu duwida hawlaha ay qabtaan ururada aan dawliga ahayn ee ka hawl gala Somaliland, haddii ay noqoto arrimaha la xidhiidha diiwaan gelintooda iyo waajibaadka la xidhiidha haddii ay noqon lahayd xisaabtankooda iyo hir gelinta hawlaha horumarka Bulshada ee ay ka qabtaan dalka.




Golaha Wasiiradu waxa uu si wada jir ah u ansixiyay iskuna raacay
xeerkaasi ku saabsan hay’adaha aan dawliga ahayn , isaga oo loo gudbin doono Golayaasha sharci dejinta si iyana u ansixiyaan.

 



Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland