WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ah aan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, SHEEKH AX MED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurti da JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.

Madaxweynaha JSL, oo ka qayb-galay aaskaasi ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan umma ddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega S omaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaan ka  ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.