WARSAXAAFADEED

Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Salal.

Tar:09/12/2009

Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo tixraacaya qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana tixgalinaaya  ahmiy ada weyn ee uu ka mudan yahay Gobolka Salal Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u magacaabay mudane Maxamed Muuse Bucul in uu noqdo Gudoomiyaha  Gob olka Salal.

Madaxweynuhu isagoo qadarinayaa hufnaanta shaqo iyo kartida uu leeyahay  M udane Bucul, waxa uu ku amray in laga bilaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 09/12/2009 uu si deg-dega ula wareego xilka loo magaacay.
 

 


Allaa Mahad Leh
Siciid Canaadi Mooge
Afhayeenka Madax-weynaha JSL